Ujeedada Xafiiska UNSOM Iyo Awoodaha Uu Leeyahay

New York(ANN)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres,  ayaa wakiilkiisa gaarka ah ee Soomaaliya u magacaabay James Swan, oo ah Diblomaasi u dhashay dalka Mareykanka, kaas oo hore u ahaa wakiilka gaarka ah ee dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya.

Ambassador Mr. Swan,  ayaa sidoo kale loo masuul ka noqnaya madaxa xafiiska qaramada Midoobay ee ka howl gala Soomaaliya ee loo soo gaabyo UNSOM, iyo hawlgalka AMISOM, wuxuuna bedeli  doona danjire Nicholas Haysom oo u dashay dalka Koonfur Afrika, kaasoo Xoghayuhu uu si weyn uga mahad celiyay howshii uu xafiiska UNSOM ee Soomaaliya ka qabtay intii uu shaqada xilka hayay.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed lasoo dhigay bogga internet-ka ee howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, iyadoo  lagu qeexay in Mr. Swan uu yahay Diblomaasi khibrad leh oo muddo dheer kasoo shaqeeyay caalamka, howlo bandanna usoo qabtay dowladda Mareykanka.

“Mr.  Swan,  waxa uu khibraddiisa shaqo inteeda badan ku qaatay waddamada qaaradda Afrika, wuxuuna waajahay xaalado adag oo siyaasadeed iyo xilliyo kala guur ah. Waxa uu Danjiraha Mareykanka u fadhiya dalka Koongada Dimuqraaddiga ah intii u dhaxeysay sanadihii 2013-kii ilaa 2016-kii, wuxuu sidoo kale ahaa wakiilka khaaska ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya intii u dhaxeysay sanadihii 2011-kii ilaa 2013-kii, halka Danjiraha Djibouti uu ahaa intii u dhaxeysay 2008-dii ilaa 2011-kii”. Ayaa lagu yidhi, War-saxaafadeedka Qaramada Midoobay.

, Mr Swan wuxuu soo noqday ku xigeenka kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika intii u dhaxaysay 2006-dii ilaa 2008-dii.

Waxa uu sidoo kale muddo hal sannad  ah oo u dhaxeysay 2005-tii ilaa 2006-dii soo noqday Agaasimaha Afrika ee hay’adda sirdoonka iyo Cilmi baadhista dalka  Mareykanka.

Mr. Swan ayaa shaqooyin kala duwan kasoo qabtay dalalka Koongada Dimuqraaddiga ah, Koongo, Soomaaliya, Cameroon, Nicaragua iyo Haiti.

. Dhinaca kale Ambassador Mr. Swan, ayaa noqonaya Diblamaasigii u horeeyay ee xafiiskaa loo magcaabo tan iyo markii la aasasay ee la xoojiyay awaadaha iyo waajibaadka xafiiskaa 2013, iyadoo Afartii masuul ee hore loogu magcaabay ay dhammaantood ahaayeen kuwo u dhashay Britain, waxaana ugu danbeeyay Nicholas Haysom oo u dhashay South African, balse asalkiisu kasoo jeeday dalka Britain, kaasoo ay dawladda Federaalka ee Somalia ka caydhisay dalka horaantiii 2019.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay  oo xafiiskan  yagleelay  3 Jun 2013, waxa lagu aasaasay qaraarka  tirsigiisu ahaa 2093 (2013),  wuuxuna  xafiiska UNSOM , xoojin doonaa iskaashiga iyo istaraatijiyada ka dhaxaysa Qaramada Midoobay iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM). Iyadoo labada xafiisba kaalin firfircoon  ka cayaarayaan taageerada loo fidiyo nabadaynta Soomaaliya.

Waajibaadka Xafiiska UNSOM, ee Soomaliya, ayaa sida uu  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ku shaaciyay warqad ku taariikhaysan 19-kii Abriil ee Golaha Amaanka (document S / 2013/239). oo dheeraad ah, waxa ay dib u soo celisay qodobada Qaraarkii 2093 (2013) oo la xidhiidha UNSOM, taas oo ah mabaadii’da isku dhafan ee Qaramada Midoobay, soo dhaweynta qaababka hoggaamineed ee la soo jeediyey iyo isuduwidda, isla markaana si cad u qeexaysa waajibaadka Xafiiska UNSOM.( UNSOM’s mandate)