Araweelo News Network

Dad ka qaxaya South Sudan

Juba(ANN)-Hay`adda arrimaha qaxootiga ee Qaramada Midoobay ayaa sheegeysa in tirada qaxootiga Suudaanta Koonfureed ee ku sugan dalka Uganda ay kor u dhaaftay 1 milyan, taas  oo ka dhigeysa dagaaalka ka socda dalkaa mid ka mid ah xasaradaha bini`aadannimada ee ugu weyn dunida.

 

Qaramada Midoobay, waxay sheegtay in Qaxootigaa oo badankood ah haween iyo carruur ay  qaxayaan colaadda sokeeye ee dalkooda ka taagan. Balse Qaramada Midoobay ayaa sheegeysa in dadaalka ay waddo loo la`yahay maalgelin dhaqaale oo ay ku maamusho sidii dadkaasi u heli lahaayeen gurmad aadaminimo , isla markaana aanay hayn  wixii ay kaga jawaabi lahayd in ay helaan dadku adeegyada aasaasiga ah sida cunto, biyo iyo dawo.

 

Warbixinta, ayaa lagu sheegay  in laga soo  bilaabo badhtamihii sanadkii hore, maalin walba ay dalka Uganda u soo tallaabayeen in ka badan kumannaan qaxooti ah oo ka tegey Suudaanka Koonfureed, kuwaas oo xasuusan falal kala duwan oo ay ka mid yihin kufsi, dilal loo geestay dadkii ay jeclaayeen iyo weliba xoolahoodii oo laga soo dhacay.

 

Hase yeshee, iyadoo lagu soo warramaayo in guryaha iyo magaalooyinka qaar ay faaruq yihin, ayaa haddana waxaa jira dad da’ ah, ama qaarkood bukaan yihiin  iyo carruur yar yar oo ku go’doonsan goobaha uu dagaalka ka socdo.

 

Uganda waxa lagu ammaanay sida ay albaabbada ay u furtay dadka qaxootiga ah ee ka soo jeeda dalka Suudaanta Konfureed ee aadka u dhibaateysnaa, balse waxay caqabad ka haysataa dadkaa hay’adaha gargaarka oo aan heli karin caawinaad ku filan dadka maddaama ay sii kordheyso tiradooda.

 

Waxaa la dhimay cuntadii la siin jiray, sida BBC-da ay u sheegeen qaar ka mid ah, dadka qaxootiga ahina goobaha caafimadka waxay un ka helaan xanuun baa’biye, marka dhinaca  waxbarashada la eegana fasal walba waxaa dhigta 200 oo Arday oo qaarkood ay shegeen in ay aad ugu adag tahay inay fahmaan waxa uu macallinku sheegaayo.

 

Degmooyinka qaar ee ku yaalla xudduudda dalkaasi uu la wadaago Uganda, dadkii degganaa waxaa ka tiro badan dadka qaxootiga ah, arrintaasina waxay sababtay in maciishadda halkaasi ay aad u adkaato.

 

Qaramada Midoobay waxay codsatay 700 oo milyan oo doollar loogu caawiyo dadka dhibaateysan ee qaxootiga ku ah dalka Uganda ee ka soo jeeda Suudaanta Koonfureed, balse waxay sheegeysaa in lacagtaasi ay codsatay ay heshay oo keli ah boqolkiiba 20 % .

 

Balse, waxa lagu sheegay warbixinta Qaramada Midoobay in ay jiraan dedaallo lagu doonaayo in wada hadal loogu bilaabo labada nin ee dalkaasi u horseeday dagaalka sokeeye ee Madaxweyne Salva Kiir iyo Reik Machar, waxaase la sheegayaa in aanay kulmin in ka badan hal sano, mana cadda qaabka iyo waddada wada hadal loogu bilaabi karo labada hoggaamiye, waxase cad in dadka Suudaanta Koonfureed ay la tacaalayaan xaaladdii bini’adannimo ee ugu xumeyd tan iyo markii colaadu ka bilaabantay halkaa dhawr sanadood ka hor.