Araweelo News Network

Newyork(ANN) Qaramada Midoobay ayaa ka hadashay jadwalkii doorashada ee shalay kasoo baxay hoggaanka dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada la shaqeeya ee Soomaaliya ka jira.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Xoghayaha guud ee Q.aramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa lagu sheegay in tallaabo wanaagsan ay tahay jadwalka xilliga doorashooyinka madaxtinimada Soomaaliya balse loo baahanyahay in la dhowro xuriyatul qowlka.

“Beesha caalamka way soo dhaweynaysaa jadwalka doorashada Soomaaliya ee ah in madaxweyne cusub la doorto 30,October 2016, balse waxa aan doonayno waa in xuquuqul insaanka iyo xuriyadda hadalka la ilaaliyo”ayuu yidhi Ban Ki-Moon.

Xukuumadda Somalia ee itaalka daran, ayaa marar badan lagu canaantay xadgudubyo iyo tacadiyo ka dhan ah xuquuqda Aadamaha, iyadoo sidoo kale Ciidamada AMISOM iyo dawlada lagu eedeeyo tacadiyo iyo kufsi ay kula kacaan haweenka.