Araweelo News Network.

Guddoomiyaha Midawga Yurub ee Maaraynta Qalalaasaha #Janez Lenarcic, muxuu ka Yidhi Tallaabo Millateri Oo Laga qaado Ethiopia.?

Khartoum (ANN)-Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in dulqaadka caalamiga ah uu sii dhamaanayo xilli uu jiro khafiif u dhexeeya dawladda Ethiopia,  iyada oo xukuumada Abiy ay diidan tahay wadahadalka ay la leedahay dawlada deegaanka Tigray iyo gargaarka bini aadanimo oo weli ku xaniban xadka gobolka Tigray ee dagaalku ka socdo.

Xaalad adag oo bini’aadanimo ayaa laga soo sheegayaa gobolkaa oo ay xukuumadda Ethiopia sheegtay in ay qabsatay todobaadkii hore, balse sida ay sheegayaan saraakiisha Tigray waxa jira dagaal xun oo halkaa ka socda weli, iyadoo ay gabaabsi yihiin cunta iyo daawooyinka oo go’on, isla markaana laga cabsi qabo gaajada sii kordhaysa ee gobolka Tigrey ee la go’doomiyay.

 

Janez Lenarcic, oo ah gudoomiyaha midowga yurub ee maaraynta qalalaasaha ayaa sheegtay jimcihii  maanta mar ay booqanayeen qaxooti Tigray ah oo ka qaxay dagaalka, isla markaana dhanka Suudaan xeryo looga sameeyay.” Ma jiri doono xal militari oo arintan ku saabsan, oo asal ahaan ah mid siyaasadeed. Markaa waxaan ugu baaqayaa masuuliyiinta Ethiopia iyo inta kale ee ku lugta leh, dadka kale oo dhan, inay joojiyaan dagaalka oo ay ka baxaan xannibaadda isgaadhsiinta, isla markaana u oggolaadaan hay’addaha gargaarka iyo shaqaalaha gargaarka ee bani’aadamnimada inay shaqadooda ku qabtaan meel kasta oo ay u baahan yihiin oo ay u safraan.”

lt, araweelo news network.

Janez Lenarcic, oo booqday 4 November 2020, qoxootiga ka cararay dagaalka gobolka Tigray ee Ethiopia ee ku sugan xerada Uma Rakuba ee Bariga Suudaan. sawiraka waxa xuquudiisa isla leh Janez Lenarcic oo soo dhigay bartiisa Tawitter.

Qaramada midoobay, ayaa sheegtay in dadka dhintay ee lagu dilay dagaalka Tigray, gaar ahaan Mekelle ay ku jiraan ugu yaraan shan shaqaale samafal ah, laakiin faahfaahin lagama bixin qaabka loo dilay iyo kuwa ay yihiin, sidoo kale  Qaramada Midoobay waxay leedahay in ka badan 100 shaqaalaha gargaarka ee ku sugnaa gobolka ayaa lagu soo warramayaa in aan weli la helin meel ay ku sugan yihiin.

 

“Aad ayaan uga walaacsanahay warbixinnaha” shaqaalaha gargaarka ee la dilay, afhayeenka bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay Saviano Abreu ayaa yidhi. “Waxaan haynaa boqolaal asxaab ah oo wali dhulka ku jira.”

 

Dhinaca kale, Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas ayaa dhammaadkii todobaadkan sheegay in  Cusbitaalka ugu weyn ee magaalada Mekelle ay ka dhammaadeen bacaha meydka shaqaaluhuna ay joojiyeen adeegyadii kale si ay diiradda u saaraan dhaawacyada xad dhaafka ah ee la keenayo.

 

 

Dagaalka socda ayaa sii adkeeyay xaaladda, iyadoo qaramada midoobay sheegtay in xukuumadda Ethiopia ogolaatay in gargaarka bani’aadamnimada la gaadhsiiyo deegaanka, balse ma jiro wax horumar ah oo laga sameeyay heshiiska gargaarka, iyadoo gaadiidka gargaarka laga xanibay gobolka Tigray tan iyo markii uu dagaalku billowday.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in iyada iyo dowlada Ethiopia ay kala saxeexdeen heshiis ogolaanaya in gargaarka aan laxakamayn oo xal  loo helo, ugu yaraan qaybo kamid ah gobolka Tigray oo hada ay maamusho dawlada federaalka ah.

 

Laakiin saraakiisha UN-ka ayaa saxafiyiinta ugu sheegay Jimcihii magaalada Geneva in aan arrintaasi weli noqon mid hirgashay,  taasoo la micno ah in baahi weyn loo qabo cunno, dawooyin iyo agabyo kale ay wali sugayaan meel ka baxsan xuduudaha gobolka Tigray.