Muqdisho(ANN)-Qaramada Midoobay, ayaa cadaadis ku saartay xukuumadda Madaxweyne Farmaajo ee dawladda Federaalka ee Soomaaliya in aannay samayn muddo  kordhin ee ay qabato doorashada.

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, ayaa fariin la xidhiidha arrinta doorashada u gudbiyay Madaxa Dawladda Federaalka, isagoo fariintaa u mariyay Taliyaha Sirdoonka si uu ugu gudbiyo Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre, isla markaana ku war geliyay in aannay beesha Caalamku raali ka ahayn dib u dhaca doorashada.

James Swan oo booqasho ku tegey Muqdisho, ayaa kulan albaabada loo xidhay la yeeshay Fahad Yaasiin oo ah taliyaha sirdoonka dowladda Federaalka ee Soomaaliya, iyadoo aan wax war ah laga soo saarin kulankaa.

Balse wararka laga helay ila wareedyo dublamaasiyadeed ayaa xaqiijiyay in Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr. James Swan u gudbiyay fariin qoraal ah, taas oo ay si wada jir ah mawqifkooda ku aadan dib u dhaca doorashada Soomaaliya ugu gudbiyeen Madaxda Soomalaiya Qaramada Midoobay, waxayna ku caddeeyeen in aan la aqbalayn dib u dhaca doorashada iyo in la sameeyo muddo kordhin.

Siyaasiyiin mucaarad ah oo ay ka mid yihiin Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh ayaa iyana qabanaya shirar saxaafadeed oo ay aad ugu dhaliilayaan dowladda Farmaajo islamarkaana ay ku dirayaan digniino ku aaddan dhib udhigista doorashooyinka.