Araweelo News Network

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Iyo Ergayga Qaranada Midoobay ee Arrimaha Soomaalida

Hargeysa(ANN)-Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland Ambassador Michael Keating, ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsaha badan, uguna macquulsan xal lagu wada qanacsan yahay uga gaadhaan qaddiyadda maamulka hawada sare ee labada dal ka dhexeeya.

Ambassador Keating oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, kadib markii uu kulan la yeeshay Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi , waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay qorshe kasta oo heshiis la’aan hal dhinac ku damco inuu kelidii ka faa’iidaysto maamulka hawada ee ka dhexaysa dalalka Soomaaliya iyo Somaliland, waxaannu labada geesood ku boorriyey inay xal degdeg ah ka gaadhaan arrintaas.

“Maamulka hawada sare waa mid ay dan ugu jirto labada dhinacba (Somaliland iyo Soomaaliya), cid walbana waa u faa’iido iyo guud ahaan caalamkaba, hawada sarena ma noqon karto goob khilaaf laga abuuri karo ama lagu murmi karo, sababtoo ah arrimahaasi waxa ay keeni karaan in isticmaalka hawada sare xidhanto,” ayuu yidhi Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay.

Waxaannu intaas ku daray; “Markaa waxa ay ila tahay in loo baahan yahay sidii loola iman lahaa wada-xaajood degdeg ah oo u dhexeeya Somaliland, Soomaaliya iyo ICAO si loo kala muujiyo, loona kala caddeeyo nidaamka saxda ah ee loo maamulayo hawada sare oo ah cirkan innaga sareeya…Waa inuu jiro heshiis la wada ixtiraamo oo u dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho oo laga gaadho maamulka hawada sare, wixii is-maan-dhaaf ah ee arrintaas la xidhiidhana waa in la caddeeyo, sababtoo ah waa wax dan-guud u ah cid walba, waana in la xalliyo.”

Dawladda aan iskeed isku maamulin ee Soomaaliya, ayaa sheegatay inay la wareegtay maamulka hawada sare taariikhdu markii ay ahayd 28 December 2017, balse waxa arrintaas si xooggan uga horyimi dawladda Somaliland oo caddaysay in aanay Soomaaliya kelideed la wareegi karin maamulka hawada sare.

Hasa yeeshee, sida Ergayga Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, ayaa sheegay in aannu jirin doonin heshiis khuseeya maamulka hawada sare oo dhinac qudha faa’iido u ah, balse loo baahan yahay in lala yimaad xal faa’iido u wada ah Somaliland, Soomaaliya iyo Adduunka oo dhan.

“Ma jirayo heshiis ama xaalad dhinac ku faa’iidayo (win-lose situation), dhinacna ku khasaaro oo aan ka ahayn in la wada guulaysto (win-win agreement) ama la wada khasaaro (lose-lose), sidaa darteed waxaan rajaynaynaa in arrintan maamulka hawada sare sida ugu degdegga badan ee ugu macquulsan loo xalliyo,” ayuu sii raaciyey Ambassador Michael Keating.