18may
Hargeysa (ANN) Hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan Ka-hortagga Fal-dambiyeedka iyo Daroogooyinka ee UNODC (UN Office on Drugs and Crime), ayaa ka hadashay hawlgal Xukuumadda Somaliland fulisay, waxayna  ku ammaantay dawladda Somaliland sida guulaha ah ee loo ilaaliyo xeebaha Badda dalkeeda iyadoo aan wax xadgudub ah lagu samayn mabaadii’da caalamiga ah.
Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, ayaa gacanta ku dhigay 16 doonyaha waaweyn ah iyo 32 kuwa yaryar ee kalluumaysiga toddobaadkii hore, kuwaasoo la tuhusan yahay inay si sharci-darro ah uga kalluumaysanayeen biyaha Badda Somaliland.
Hay’ad qaabilsan ammaanka badaha oo la yidhaa HIS Maritime 360, ayaa bar ay ku leedahay internet-ka (http://www.ihsmaritime360.com) ku baahisay in ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ay doonyahaas la qabteen geeyeen dekedda magaalada Berbera, halkaasoo su’aalo kala duwan lagu weydiiyey shaqaalaha watay, kadibna inta ganaax laga qaaday xorriyaddooda loo celiyey, loogana digay in aanay mar dambe sifo sharci-darro ah ku gelin biyaha Somaliland.
Dhinaca kale, qoraal ka soo baxay Hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan Ka-hortagga Dambiyada iyo Daroogooyinka, ayaa lagu sheegay in ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ku guulaysteen inay sugaan ammaanka biyaha badda dalkooda, iyagoo aan awood xad-dhaaf ah u adeegsan doonyaha la qabto, taasoo ay ku tilmaameen inay tahay mid waafaqsan qawaanniinta caalamiga ah.
“Hawlgal la sameeyey 16 December 2014 ayaa noqday mid muhiim ah oo muujiyey horumarka Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ka sameeyeen la-dagaallanka fal-dambiyeedyada ka dhaca badaha.” Sidaa waxa yidhi Isu-duwaha Mashaariicda Waaxda Ka-hortagga Dambiyada Badaha ee hay’adda UNODC Mr. Bart Hulsbosch.
Waxa kaloo uu si xooggan u ammaanay qaabka ciidanka Ilaalada xeebaha Somaliland u qabteen doonyaha waaweyn ee sharci-darrada kaga kalluumaysanayey biyaha badda iyo sida aanay ciidanka ilaalada xeebuhu wax xadgudub ah ugu samayn qawaanniinta iyo mabaadii’da caalamiga ah, kadib markii aanay wax tacadiyo ku samayn doonyaha ay qabteen, awood xad-dhaaf ahna u adeegsan.
Doonyaha kalluumaysiga sharci-darrada ah lagu qabtay, waxa dhammaantood laga leeyahay waddanka Yemen, marka laga reebo hal doonni oo aan la sheegin dalka laga leeyahay.
Sidoo kale, hay’adda UNODC ayaa ammaantay ciidanka ilaalada xeebaha ee dalka Seychelles (Siishalis) oo ogaaday laba doonyood oo kuwa waaweyn ah, lagana leeyahay dalka Iran, loona tuhusan yahay inay ku hawlanaayeen kalluumaysi sharci-darro ah, iyadoo doonyahaas iyo 36 shaqaale ah oo u dhashay Iran la xidhay.
Hay’adaha qaabilsan ammaanka badaha, ayaa tilmaamay in kalluumaysiga sharci-darrada ah hoos-u-dhac weyn ku yahay dakhliga dalalka Afrika ee ku yaal Badda Cas iyo Badweynta Hindiya oo Somaliland ku jirto.

Araweelo News Network

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com