Araweelo News Network Associated Online Agencies

 

Umadda u dhalatay Qaranka ayaanka badan ee JSL waa inay mid fahantaa; waxa talada inoo haysa Xukuumaddeena ‘Nabarro badan’ ee ka dhalatay xisbiga talada haya ee Waddani! Intii ay mucaaradka ahaayeen wax ay dhawrteen ma jirin; ma dal baa, ma dad baa, ma dibed baa, ma dagaallaa, ma dirir baa, ma dood baa, sii wad uun! Maantana qaddiyad kasta oo la soo qaado oo aanu kaydkoodii tudhaale-la’aanta ahaa oolin ma jirto! Isma ay lahayn, waa la noolaan! Waase la doogay, dacartii baase haysa!

Xilliyadaa dad badan oo Waddani ahaa baa markaad tidhaahdo “Waar xukuumaddani way tegiye, qaranka dhawra” ku doodi jiray, “Xukuumadda iyo Qaranka xaggee loo kala saari karaa, waa isku mid’e” – Horta maanta tii baa hortaalla! Innaguse maanta waxaynu leenahay “Qarankeenna ayaan badane, wuu ka duwan yahay “Xukuumaddeena Nabarro badan”!

Wakhti tirsan oo qofkii Alle gaadhsiiyaa goobjoog u noqon doono, ayay joogaysaa, qarankuse waa dhaxalkeennii iyo jiitaankeennii! Sababtoo ah, maanta haddii muwaadinka JSL u dhashay la waydiiyo, dalkeed ka timi, ma odhanayo “Waxaan ka imi Waddani”, wuxuu odhanayaa “Dalka JSL baan ka imi” – Ma labadaasaan kala duwanayn! Haddaba, siyaasiga xilka haya ee hadallo ama ficillo dalka kala qaybinaya maanta hormoodka ka ahi cimrigiisu isna gaaban oo berri baa xilka laga qaadayaa, ee dalka innagaa leh, la-xisaabtankuna waa xaq dastoori ah!

Xaq baa loogu leeyahay xukuumadda in bulshada u warranto, dagaallada socda ee qarankan lagu hayana aanay iyadu qayb ka noqon! Waxay qayb kaga noqonaysaana waa hadallo xanaf leh, hanjabaad, cabudhin, xadhig iyo ugu dambayn in ay bulshada iyo daneeyayaasha kale ee Qaranka u warrami waydo!

Mid innaga ayay innala gudboon tahay oo ‘Aqoonsigu’ waa jiritaankeenna, ma aha wax gali kara siyaasad, ku-xumee iyo ku damaq! Xukuumadda nabarro badan waxay leedahay kumanaan iimood oo aynu tilmaami karno, iyadoon qaranka iyo aqoonsiga foodsaaro laga dhigan! Qaranka aynu ilaashano!

Qaranka, Qaranka W/Q  Ambassador Barkhad Kaariye