qaraxa YemanSan’a(ANN)Qarax weyn ayaa gil-gilay magaalada xarunta u ah dalka Yemen ee San’a oo ah wadamada qalalaasahu hadheeyay, qaraxa oo ahaa gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa saaka waaberigii lala beegsaday xarun Kilayad u ah Booliska oo ku taal magaalada Sanca.
Qaraxa ayaa sababay ugu yaraan 40 qof oo dhimasho ah iyo tiro kale oo dhaawac ah sida ay sheegeen saraakiisha amniga ee dalka Yemen.
Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay qaraxaa, balse waxa loo malaynayaa inuu ka mid yahay weerarada Al-Qaeda Yemen ee ka dagaalanta gasiiradda Carabta, taas oo dagaal kula jirta xukuumadda Yemen ee ay inqilaabeen Xuutiyiinta Shiicadu oo taageero ka haysta wadamada reer galbeedka.
Weerarka ayaa yimi, iyadoo Muddooyinkii u danbeeyay ay deegaamo ka mid ah dalka Yemen dagaalo ku dhexmarayeen Xuutiyiinta Shiicada ah iyo Dagaalyahanka Al-Qaeda ee Yemen oo lagu magcaabo Ansaaru Shareeca wal Qaanuun.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com