wajeerqarax

 

 

 

 

Gaarisa(ANN)Qarax khasaare dhaliayay ayaa ka dhacay Magaalada Gaarisa ee Woqooyi Bari Kanya, wuxuuna qaraxaasi sababay ugu yaraan 7qof oo dhaawacyo kasoo gaadheen iyo qof ku nafwaayay, kuwaas oo qaarkood xaaladoodu liidato.

Saraakiisha Booliska ee Gaarisa, ayaa sheegay in qaraxu ahaa Banbo kuwa gacanta laga tuuro ah, taas oo lala beegsaday dad Kanyaan ah goob ay joogeen oo ku taal xaafad ka mid ah xaafadaha Magalaada Gaarisa.
M jirto cid loo qabtay Qaraxa banbadaa, waxayna kusoo beegantay, iyadoo uu saacado ka hor ka dhacay Magaalada Gaarisa weerar lagu khaarajiyay Sarkaal ka mid ah Booliska sida Milateriga u tababaran ee Kanya ayaa lagu dilay Magaalada gaarisa ee Woqooyi Bari Dalka Kanya habeenimadii xalay, kaas oo ay kooxdii khaarajisay ka baxsatay goobta, sida ay baahiyeen warbaahinta dalka kanya.

Sidoo kale warar hordhac ah, ayaa sheegaya in caawa weerar lagu qaaday Dhismaha Booliska magalaada gaarisa iyo sidoo kale goob lagu cawaynayay, iyadoo wararka hordhaca ah ee laga helayo deegaankaa sheegayaan in la maqlayay qaraxyo iyo tacshiirado aan la ogayn khasaaraha ka dhashay.

Dalka Kanya, waxa muddooyinkii u danbeeyay ka dhacay weeraro lagu khaarajinayo Booliska Iyo dadka Shacabka ah, iyadoo weerarkii bishii lasoo dhaafay ka dhacay Deegaanka Mandheera lagu khaarajiyay 28 qof oo Kanyan ah, kuwaas oo ahaa Macalimiin wax ka dhiga Dugsiyada Gobolka Soomaalidu degto ee Woqooyi bari Kanya ee Wajeer, waxaana weerarkaa oo dhacay markii dadkaa oo ahaa rakaab lagala degey baskii ay saarnaayeen sidaana lagu khaarajiyay sheegatay xarakada Al-shabaab.

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com