Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Qarax khasaare dhaliyay, ayaa goor dhowayd ka dhacay goob Maqaaxi ah oo aan ka fogayn madaxtooyada Villa Somalia ee Magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay, iyadoo tobaneeyo kale ku dhaawacmeen qaraxaa oo lagu bartilmaameedsaday maqaaxidaa oo Ka mid ah goobaha mashquulka ah ee u dhow Villa madaxtooyada Villa Somalia, isla markaana Kaabiga u saaran dhismaha Wasaaradda Amniga sida ay sheegeen dad goob jooge ah.

Dhinaca kale waxa ay wararka qaar sheegayaan in goobta qaraxu Ka dhacay ay ku sugnaayeen Saraakiil katirsan DF-ka.

Qaraxa, ayaa ahaa mid loo adeegsaday gaadhi lagasoo buuxiyay waxyaabaha qaraxa Loo adeegsado, waxaana dadkii ku dhaawacmay loola cararay.

Ma jiro weli koox sheegatay in ay ka dambaysay weerarkaa qaraxa ee khasaaraha dhliyay, balse ururka Al shabaab ayaa weeraro iyo qaraxyo ka gaysta magaala Muqdisho iyo meelo kale oo Soomaaliya ah.