Araweelo News Network

qaraxmuqdisho1Mogadishu(ANN) Qaraxa weyn oo ka dhacay goor dhowayd afaafka hore ee Huteelka Blue Sky oo ku yaalla badhtamaha caasimadda Somalia ee Muqdisho ayaa sababay khasaare, waxaana ugu yaraan ku dhintay laba qof, iyadoo afar kalena ku dhaawacmeen.

Qaraxa oo loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxuyay, waa weerarkii labaad ee khasaare dhaliya ee maalmo kooban gudahood ka dhaca Muqdisho oo inta baddan weerrarada qaraxyada iyo dilalka shirqoolada ah hoy u noqotay.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa maanta iyo kii ka horeeyayba.

Todobaadkii tegay, wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cumar Hadliye, ayaa kulanka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ka sheegay, in Al-Shabaab ay beegsaneyso bartilmaameedyada sahlan, isagoo sabab uga dhigay inay awood ahaan wiiqeen Al-shabaab.