qaraxamuqdishoafasiyoone
Mogadishu(ANN)Gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, ayaa lala beegsaday Xerada Afasiyoone ee Magaalada Muqdisho, iyagoo usii jeeday dhinaca Xerada Xalane, balse waxa gaadiidkaa oo ahaa kolanyo ay wateen Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Alpha Group oo Maraykanku tababar siiyay haleelay qaraxa.
Qiiq weyn, ayaa cirka isku shareeray, waxaana laga maqlayay sanqadha qaraxa magaalada Muqdisho oo si weyn looga dareemay, iyadoo uu sababay khasaare naf iyo maalbalala.
Saraakiil u hadlay Dowladda ayaa sheegtay inay ku dhinteen ugu yaraan Afar ka mid ah Ciidamada Alpha Group, balse lama sheegin inay ku jiraan saraakiil sare iyo inay saraakiisha mIlateriga maraykanka ee tababara la socdeen Kolanyada.
Sidoo kale lama ogga khasaaraha dhabta ah iyo dhaawaca uu geystay Qaraxa, balse dad goobta ka dhowaa, ayaa sheegay in khasaaraha qaraxu intaa ka baddan yahay oo ay jiraan dhaawac baddan.
Qaraxa ayaa kusoo beegmay maalmo kadib markii Maraykanka uu diyaarad ku dilay madaxii sirdoonka ee Alshabaab Cabdishakur Tahliil, kaas oo duqayn dhinaca Cirka ah lagu khaarajiyay, balse Al-shabaab ayaa ku hanjabtay saacadihii lasoo dhaafay inay weeraro aargudasho ah samaynayaan.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com