Araweelo News Network

Muuqaalka Qaraxa

Muqdisho(ANN)-Magaalada Muqdisho, waxa weli ka socda gurmadka lagu raadinayo dadkii ku dhintay qaraxii murugada xanbaarsanaa ee ruxuy damiirka bulshada Soomaalida iyo dadyowga dunida kale ee warbaahinta caalamiga ah kala socday khasaaraha ka dhashay masiibadaa.

 

Sidoo kale, waxa lala tacaalayaa gurmadka dadkii ku dhaawacmay oo gaadhaya ku dhowaad 320 qof, kuwaas oo qaarkood loo qaaday dalalka Turkiga, Qadar, Kenya iyo Suudaan, balse waxa aan si dhab ah loo shaacin cidii ka danbaysay qaraxaa, iyadoo dawladda Federaalku codsatay dalalka taageera in gacan laga siiyo baadhitaanka la doonayo in lagu oggado ciddii ka danbaysay qaraxaa iyo sida loo fuliyay.

 

In kasta oo baadhitaankaba ka hor dowladda Federaalka ay farta ku fiiqday Ururka Al-shabaab, balse kooxda Al-shabaab ayaan weli ka hadlin qaraxyadaa, kuwaas oo  dagaal kula jira dowladda Soomaaliya  iyo ciidamadda AMISOM, isla markaana looga bartay in ay sheegtaan mas’uuliyadda qaraxyo hore uga dhacay oo  dad badan ku dhinteen, kuwaas oo qaarkood shacab ahaayeen.

 

Hase yeeshee su’aasha lays weydiinayaa waxay tahay yaa ka danbeeyay qaraxaa, waxaana jira doodo iyo falanqayn lagu faaqidayo masiibadaa.

 

 

“Al-shabaab, waxay u aamuuseen qaraxan waxa lagu gumaaday shacab, carruur iyo dumar. khasaaraha aad buu u badan yahay, marka waa dhagar in qofka wixii uu sameeyay uu ka aamuso, waxaa laga yaabaa in ay is leeyihiin haddii aad sheegataan khilaaf dhexdiina ah ayaa imanaya” sidaa waxa BBC-da Soomaaliga u sheegay Cabdiraxmaan Sahal oo ah cilmi baadhe arrimaha argagixisada la xidhiidha.

 

“Haddii ay sheegtaan waxaa ka imanaysa labo arrimood, midda koobaad waa kacdoonka shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay u naceen Al-shabaab oo sii korodhaya, taas oo sababi karta in shacabku ku dhiiradaan in ay iska celiyaan Al-shabaab, arrinta labaadna waa, in dhexdooda ay ku kala jabaan, oo ay iska hor yimaadaan, sababtoo ah Al-shabaab iyaga oo nooc kasta ah, haddana lagama waayayo shaqsi, shaqsi ay qaaddo qabyaalad amma arrin kale, waxaa kale oo suurtagal ah in rag iyaga ka tirsan ay ka soo goostaan”. Ayuu raaciyay.

 

Sidoo kale mid ah hoggaamiyayaashii ururka Al-shabaab Sheekh Muqtaar Rooboow (Abuu Mansuur), oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Hargaha iyo Saamaha oo gurmad loogu sameynayo dadkii dhibaatada ay ka soo gaadhay qarixii Soobe oo ka hadlay aragtidiisa qaraxaa iyo cidda ka danabay, ayaa yidhi,

“Annaga muddo aad u fog, oo 10 sano ka hor ah baan ku usoo jeediyay saaaxiibaday, nimanyahoow ka daaya dadka, way nagula dagaalameen oo way joojin waayeen, waxan oo kale Shaamoow ayey ka dhaceen, Hargaha iyo Saamaha ayay ka dhaceen, masjidka Bakaaraha ku yaala ayay ka dhaceen, marxalado kala duwan ayay soo martay. Markii ay waxan oo kale dhacaan anaga maaha ayaa la odhan jiray, markii dambena waxaa dhacday in la sheegto oo la yidhaahdo anagaa geysanay”.

 

Abuu Mansuur waxa uu sheegay in Al-shabaab ay ka dambeeyeen qarixii dhacay, isagoo yidhi,  “Waxaan ugu baaqayaa in ay ka towbad keenaan. Towbadda waa furantahay, dadka aan la hadlayo waa Al-shabaab, waxaan meelaha ka maqlayay Black Water, ayaa ka dambaysay, balse anigu ma qabo, sababtoo ah Black Waters wax qarxa iyo gaadiidba way keeni karaan, balse qofkii is qarxiyay ma keeni karaan,” ayuu yidhi.

 

“Waxay baraarujin kartaa in xukuumadda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ay midoobaan, waxaa kaloo ay keeni kartaa in ay shacabka ku dhiiri geliso, aqoonyahanka iyo culumada in ay ku dhiiradaan in ay ka hadlaan, waxaa kaloo ay keeni kartaa in waddamada caalamka ee Soomaaliya taageera ay falcelin dhab ah ka sameeyaan” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Sahal.

Dhinaca kale Matt Bryden oo ah falanqeeye arrimaha amniga Geeska Afrika, ayaa wakaalada wararka ee AP u sheegay sidan:- “Ma jirto koox aan Alshabaab ahayn oo gudaha Soomaaliya ku sugan oo awood u leh in ay rakibto bamkan intaa leeg”.

 

Weli lama hayo natiijo kasoo baxday baadhitaanka, waxaana ka mid ah waxyaabaha la baadhayo nooca miinooyinka loo adeegsaday qaraxa, xogta laga hayo gaadiidkii qaraxa lagu geystay, qofkii wadday ee is qarxiyay iyo meelihii uu soo maray gaadhigu.

 

Tan iyo intii xukuumadda cusub ay la wareegtay hoggaanka dowladda Federaalka, waxaa caasimadda laga ka howlgeliyay ciidamo loogu magacdaray xasilinta caasimadda, kuwaas oo in kasta oo ay sameeyeen dadaalo badan aanay taasi wax weyn ka bedelin amniga magaalada.

Waxaana Talaabooyinka ay qaadeen ka mid ahaa in la xidhay waddooyinkii yar yar ee magaalada, kuwaas oo carro tuur lagu shubay meel kasta oo ay waddooyinkaasi kaga soo dhacayeen laamiyada waawayn, sidaa darteed baabuurta oo dhan waxay maraan goobo ay ciidammada joogaan oo ay ku khasban yihiin in lagu baadho.

 

Sidaa awgeed waxa aad suurtagal ah in gaadhiga qarxay uu soo maray meelo dhawr ah oo ay joogaan Askarta dowladda. Sida ay sheegayaan laamaha amniga, baadhitaanka la wado “waxaa diirada lagu saari doonaa qaabkii uu gaadhigu uga soo gudbay barahaa koontarool, balse ma jirto xaqiiq dhab ah oo lagu cadaynayo sida uu qaraxu u dhacay halka uu soo maray iyo cidda ka danbaysa, maadaama aanay cidna weli sheegay,  waxaase laga war sugayaa halka dawladda Federaalku afka u saarto qaraxan oo noqonaya kii ugu xumaa, isa markaana ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Muqdisho, isla markaana lahaa muuqaaladii iyo astaamihii qaraxyada dhawr sannadood ka hor si weyn loogu haligmay oo k dhici jiray caasimada dalka Ciraaq.