Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Qaraxyo, ayaa gilgilay Magaalada muqdisho ee Xarunta Soomaaliya. Kadib markii laba Qarax lala beegsaday goobo kala duwan, iyadoo ugu  ay yaraan ku dhowaad 20 qof ku dhinteen, tiro intaa ka bandana ay ku dhawaacantay.

Qaraxyada, ayaa Ka dhacay Duleedka Madaxtooyadda Villa Somalia, gaar ahaan dhismaha ciidammada nabad Sugidda Soomaaliya.

Qaraxyada, ayaa ahaa kuwo loo adeegsaday gawaadhi laga buuxiyay waxyaabo qarxa waxaana ka dambeeyay, waxaana markii qaraxyadu dhaceen goobaha Ka bilbaabmay rasaas X oog badan, sida ay dad goobjoogayaal ah sheegayaan.

Ciidamadda dowladda federaalka ee Soomaaliya waxay sheegeen in ay fashiliyeen qaraxyadaasi oo ay tilmaameen in mid ka mid ah uu ka dhacay meesha baabuurta la dhigto ee hoteelka Dorbin oo horey u ahaan jiray Baar FIAT, sida lagu qoray wakaaladda wararka dowladda ee SONNA.

Dowladda waxay sheegatay in ay soo afjareen weerarka Al-Shabaab. Afhayeen u hadlay wuxuu sheegay in illaa shan ka mid ah dableyda ay ku dileen goobaha ay israsaaseynta ka dhaceen.