muqdishoqaraxGaalkacayo(ANN) Talyihii laanta ilaalinta cashuuraha iyo kastamada Gobolka Mudug Duraan Cumar Geelle oo lagu naanaysi jiray “Qaylo” ayaa ku nafwaayay qarax Saaka ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. Kadib markii waxyaabaha qarxa loogu xidhay gaadhigiisa.

Taliska Ciidamada Booliska Gobolka Mudug ee Puntland ayaa ka hadlay Qaraxa lagu Dilay Duraan Cumar Geelle,waxaana Talisku sheegay in Qaraxa Sarkaalka gaadhigiisa loogu xidhay. Sidaana waxa warbaahinta u xaqiijiyay Taliye Kuxigeenka qeybta Booliska Gobolka Mudug C/rashiid Xasan Xaashi oo Warbaahinta kula hadlay Gaalkacyo.

Taliye Kuxigeenka ayaa intaa ku daray in ay wadaan baadhitaano ay ku Ogaanayaan Cida ka danbeysa Qaraxaasi lagu khaarajiyay Duraan Cumar Geelle.

Qaraxa ayaa kusoo beegmay, iyadoo maanta magaalada Muqdisho laga qaaday 13 ka mid ah qaraxii ugu weynaa oo dhowaan ka dhacay Muqdisho, kaas oo ay ku naf waayeen ku dhowaad 30 qof oo ay ku jiraan masuuliyiin iyo xuldhibaano ka tirnsanaa xukuumadda Somalia, isla markaana ay ku dhaawacmeen in ka baddan 50 qof oo uu ku jiro Raysal Wasaare ku xigeenka Somalia Maxamed Cumar Carte oo isaga hore loogu qaaday dalka Turkiga, waxaana 13 qof saaka loo duuliyay dhinaca Dalka Imaraadka Carabta si loogu soo daweeyo.

Dhinaca kale Qaraxyo shalay ka dhacay Muqdisho, ayaa sababay ugu yaraan dhimashada hal qof oo la sheegay inuu ahaa sarkaal ka tirsan nabad-sugida Soomaaliya, iyadoo tiro kale oo askarta dawladda ahna dhaawacyo kala duwan kasoo gaadheen, kadib markii laba qarax ka dhaceen degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho shalay.
Saxaafadda Muqdisho, ayaa baahisay shalay in labada qarax dhaceen duhurnimadii Sabtida, kuwaasoo lala eegtay baabuur ay wateen ciidammo ka mid ah dawladda Soomaaliya, iyadoo labadaas qarax loo adeegsaday miinooyin lagu aasay waddada dhinaceeda, meel fogna laga hagayey.
Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa hore ahaa mid lala beegsaday baabuur nooca raaxada ah oo marayay jid ku yaal degmada Heliwaa ee Muqdisho, kuna geeriyooday qofkii waday gaadhigaas oo wararku tibaaxeen inuu ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka Nabad-sugida Soomaaliya, iyadoo xoguhu sheegeen in qaraxaasi ahaa mid qorshaysan, looguna talogalay in lagu khaarajiyo sarkaalka ka tirsan Nabad-sugida Somalia ee Muqdisho.

Qaraxa labaad oo loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay, ayaa ka dhacay goob aan ka fogayn halka qaraxa hore ka dhacay, kaasoo bartilmaameedkiisu ahaa baabuur ay wateen ciidammo dawladda ah, waxaanna la sheegay in qaraxaas ay ku dhaawacmeen in ka badan ilaa saddex askari oo la socday baabuurka la qarxiyey.

Ciidamada dowladda ayaa gaadhay goobaha qaraxyadu ka dhaceen, kuwaasoo sameeyey hawlgalo socday ilaa gelinkii dambe ee shalay, laguna qabqabtay dad looga shakiyey qaraxyadaas, balse si rasmi ah looma oga cida ka dambaysay weerarada khasaaruhu ka dhasheen ee lala eegtay ciidammada Muqdisho.

Degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, ayaa ka mid ah degmooyinka ugu ammaanka xun magaalada Muqdisho, waxaana inta badan gabood ka dhigta kooxo ka tirsan Al-shabaab oo fuliya hawlgalo sababa khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacyo, iyagoo weeraro toos ah mararka qaar fuliyada xilliyada habeenkii, laguna qaado xarumaha ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladda Soomaaliya.

Dhinaca kale, Ururka Al-shabaab ayaa degaanno ka tirsan gobolka Bakool ee Soomaaliya ku soo bandhigay meydadka 5 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, laguna dilay dagaal qadhaadh oo labada dhinac dhexmaray maalintii Jimcaha, kuwaasoo ka dhacay degaanka Ceel-baar, una dhaw degmada Waaid ee Gobolka Bakool.

Meydadka askartan ayaa lagu soo bandhigay degaanka Buur-dhuxule oo ku dhow Ceel-baar, waxaana halkaas dad isugu soo baxay kula hadlay madaxa Gobolada Bay iyo Bakool Ururka Al-Shabaab Sheekh Cabdilllaahi Macallim Geedow, kaasoo sheegay in dagaalkii ka dhacay Ceelbaar maalintii Jimcaha ay ka gaadheen guulo, isagoo intaa raaaciyay in dagaalkaasi ay jab ku gaadhsiiyeen ciidanka Itoobiya oo qayb ka ah AMISOM.

Sheekh Cabdillaahi Macallin Geedaw, ayaa ku hanjabaday inay weeraro kala duwan ku qaadi doonaan ciidanka Ethiopia, kuna khasbi doonaan inay ka baxaan degaannada Gobolada Bay iyo Bakool ee Soomaaliya.

Geesta kale, Guddoomiyaha Degmada Waajid ee Soomaaliya Xasan Aadan Cali (Gardhuub), ayaa u sheegay saxaafadda inay 18 askari ka dileen kooxda Al-shabaab, kadib markii ciidanka dawladda iyo Al-shabaab dagaal ku dhexmaray degaankaas, isagoo xusay afar askartooda lagu dilay dagaalkaas, laguna dhaawacay lix kale, iyadoo aanay dawladda Ethiopia weli ka hadlin dagaalkaas iyo waxa ka jira sheegashada kooxda Al-shabaab.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews