qaraxyemenSanca(ANN)Qaraxyo waaweyn oo khasaare dhliyay ayaa gilgilay magaalada Sanca ee Caasimada Yemen ee dagaaladu ka socdaan, wararka ayaa sheegaya in dad ka baddan 50 qof ku dhinteen Afar qarax oo lala beegsaday dhisme weyn oo xarun u ah Xuutiyiinta iyo goobo kale oo ay dadka Shiicada ah u baddan yihiin.

Kooxda Daacish ee IS, ayaa sheegatay in qaraxyadu ahaayeen Afar Gaadhi oo ay ku beegsadeen laba goobood oo khaas u ah Xuutiyiinta sidaana waxay ku shaaciyeen barta ay leeyihiin ee IS Online.

Qaraxyada ayaa kusoo beegmay iyadoo dhinacyada ku dagaalamaya Yemen tan iyo dhamadkii March 2015, wadahadalo uga furmeen shalay xarunta qaramada Midoobay ee Geneva.

IS, ayaa hore u sheegatay qaraxyo lala beegsaday Masjidyo ay dadka Shiicada ee Xuutiyiintu ku cibaadaysanayeen March, kuwaas oo ay ku dhinteen dad gaadhaya 130 qof.

Dhinaca kale waxay qaraxyada ka dhacay Sanca kusoo beegmeen maalin kadib markii lagu dilay duqaynta dhinaca Cirka ah ay ka fuliyeen gobolka Koonfur Bari Yemen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku Hoggaamiyihii Ansaru Shareeca ee Al-Qaida Yemen Abu Baseer Nasser bin Abdul Karim al-Wuhayshi.

Waxaana weerarada lagu sifeeyay kuwo loogu aargudayo hoggaamiyaha la dilay, iyagoo Al-Qaida Yemen rumaysan yihiin in Xuutiyiintu u basaaseen Maraykanka, isla markaana sabab u ahaayeen weerarka lagu khaarajiyay hoggaamiyahooda.
Dhinaca kale Magaalada Koonfurta ee Cadan waxa ka dhacay weerar ay isku waajaheen saacadihii u danbeeyay dhinacyada ku dagaalamaya, iyadoo duqayn dhinaca Cirka ay ku dhinteen dad gaadhaya 30 qof duleedka magaalada istiraatiijiga ah ee Cadan.

Ugu yaraan 2,000 qof, ayaa ku dhintay dagaalka Yemen, wuxuuna sababay in kumanaan u dhashay dalka ka cacareen dagaalada, iyadoo kumanaan kale oo ahaa ajaanib ku sugnaa ka baxeen, isla markaana dalalkooda uga carareen dagaalada cirka iyo dhulka is qabsaday ee Yemen.

Dhinacyada Yemen ee wadahadalku uga socdo Geneva, ayaa awoodi waayay inay fuliyaan qorshe la doonayay in xabad joojin la sameeyo bisha barakaysan ee Ramadaan.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.