Araweelo News Network.

Addis Ababa(ANN)-Qarrax ayaa ka dhacay Caasimada Dalka Ethiopia ee Addis Ababa, wararka hordhaca ayaa sheegaya inuu qarraxaasi sababay dhaawaca hal qof oo goobta qaraxau ka dhacay marayay.

Sida ay sheegayaan wararku Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa ka dhacay Arbacadii maanta Biriish ku taalla Magaalada Caasimadda ah ee Addis-Ababa, balse khasaaraha ayaa la sheegayaa inuu yahay hal qof oo ku dhaawacmay, kaas oo ay luguguhu go’een, sida uu Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay Afhayeen u hadlay Booliska Federaalka Ethiopia.

Sarkaalka u hadlay Booliska ayaa sidoo kale xaqiijiyay in qarraxu ka dhacay Biriish ku yaal badhtamaha Addis Ababa, balse waxa uu ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeri ah ka bixiyo nooca qaraxa iyo waxa sababay.

Dhinaca kale ma jiraan warar dheeraad ah oo ilaa hada kasoo baxay dawladda Federaalka Ethiopia iyo saraakiisha Federaalka ee Addis Ababa, wuxuuna qaraxan kusoo beegmay xilli ay dalka ka jiraan dagaalo u dhexeeya Xukuumadda Dawlad deegaanka Tigreega ee TPLF  iyo Dawladda Federaalka ah ee Ethiopia, kaddib markii Ra’iisla wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ku amray ciidamada dawladda Federaalka ah in ay guluf dagaal ku qaadaan gobolkaa si loo bedelo maamulka ka dhisan oo muddo khilaafka u dhexeeya dawladda Federaalka soo jiitamayay.

Balse ma  jiraan  waxyaabo  tilmaamaya in qaraxa ka dhacay Addis Ababa uu xidhiidh la leeyahay xiisada dagaalka ee ka aloosan dalka Ethiopia, taas oo saamayn ku yeelatay guud ahaan amaanka dalka, isla markaana muujisay cabsi laga qabo in xaaladdu faraha ka baxdo.