Hargeysa(ANN)- Garyaqaan Mubaarik Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah qarreenada ugu cad-cad qarreennada u dooda Bulshada Somaliland, isla markaana ka hawlgala Maxkamaddaha Hargeysa, ayaa Sheegay inuu Joojiyey Shaqadii Qareennimo ee uu hayey.


Garyaqaan Mubaarak oo sannadii u dambaysay Xirfadda Qareennimada ku shaqaysanayey, isla markaana xilligan ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeen mid ka mid ah xarumaha madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadamaha Somaliland ee fadhigeedu yahay Hargeysa, ayaa sabab uga dhigay go’aanka uu qaatay kadib markii sida uu sheegay uu la kulmay hanjabaado iyo Caga-juglay kaga yimi dhinacyo kala duwan oo uu sheegay inay dowladdu ka mid tahay .

.
“waxaan si rasmi ah u joojiyey Shaqadii Qareennimo ee aan muddada ku soo shaqaynayey iyo u doodistii xuquuqda Aadamaha iyo difaaci jirayba, illaa inta Sharciga iyo Dastuurka Somaliland si caadi ah loogu dhaqmayo, garsoorkuna madax-bannaani buuxda helayo, sharcigana dabbaqayo.” ayuu yidhi, Qareen Mubaarak oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa.