Araweelo News Network.

 

Paris, Cannes (ANN)-Koox Budhcad ah, ayaa galay qasri uu degan yahay Amiirka dalka Qatar, kuwaas oo qaatay qalab muhiim oo qaali ah oo ay ka daabusheen qasrigaa oo ku yaala magaalada xeebta Faransiiska ee Cannes, kooxda ayaa waxyabaha ay halkaa ka qaateen waxa ka mid ahaa saacado iyo alaabo kale oo qaali ah, sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee AFP, oo soo xigay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka ag dhow xaafada uu ku yaal qasrigu.

Qasriga markii ay gudaha u galeen kooxda oo ka koobna Afar qof , balse mid ka mid ah uu hubaysnaa, waxa ka maqnaa Amiir Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani oo aan ku sugnayn xaafadda Mouans-Sartoux ee xeebta koonfur bari dalka Faransiiska oo dhismaha qasrigu ku yaal, sida lagu baahiyay Telefishanka RTLNieuws, ee laga leeyahay Yurub, kaas oo soo xiganaya dad goobta ka dhowaa.

 

“Dad ku sugnaa qasriga ayaa u hoggaansamay hanjabaadda kooxda budhcadda ah, kadib markii ay arkeen hubkii ay siteen,” sidaa waxa baahisay AFP, oo soo xiganay mid ka mid ah ila wareedyada ay heshay ee ka hadlay dhacdadaa, balse wuxuu intaa raaciyay in hanjabaada ka sokow aannay jirin dadkii ku sugnaa qasriga in baastoolad dhafoorka lagaga qabto.

 

“kooxda Budhcadda ah, ayaa qaadatay alaab qaali ah, gaar ahaan saacado iyo alaab kale oo muhiim ah,” sida uu sheegay goob joogaha la hadlay warbaahinta, wuxuuna intaa ku daray in kasta oo Amiirku aannu ku sugnayn qasriga, balse waxaa joogay xubno ka tirsan qoyskiisa, oo uu ku jiro ra’iisal wasaarihii hore ee Qatar oo reer Al-Thani ah, sida lagu baahiyayTelefishanka RTLNieuws

Dhinaca kale, Qaar ka mid ah hay’addaha sharci fulinta ee magaalooyinka Grasse, Nice iyo Marseille ayaa furay baadhitaan la xidhiidha kiiska, iyadoo aan la aqoonsan kooxda budhacadda ah ee boobtay qasriga Amiirka.

Amiirkii hore Sheikh Hamad bin Khalifa Al Thani,  ayaa sanadkii 2013, ka tegay xukunka boqortooyada, wuxuuna kuna wareejiyey wiilkiisa Tamim Hamad bin Khalifa Al Thani, wuxuuna qasriga lahaa tan iyo sagaashamaadkii, iyadoo dhismihiisu  ku fadhiyo dhul cabirkiisu gaadhayo 30 hektar oo ku yaal magaalada xeebta Koonfur Bari Faransiiska ee Cannes, gaar ahaan Mouans-Sartoux.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com