Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Maxamuud Xaashi iyo Wasiirkii hore oo xilka la kala wareegaya 4 Nov 2015.

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Maxamuud Xaashi iyo Wasiirkii hore oo xilka la kala wareegaya 4 Nov 2015.

Hargeysa(ANN)Munaasibad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana ujeedadeedu ahayd inay xilalka kula kala wareegaan wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka cusub ee Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi iyo sidoo kale Afhayeenkii hore ee Madaxtooyadda Axmed Saleeban Dhuxul iyo Afhayeenka Cusub Xuseen Aadan Cige (Dayr). ayaa lagu qabtay maanta Qasriga Madaxtooyada JSL.
Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Maxamuud Xaashi iyo Wasiirkii hore oo xilka la kala wareegaya 4 Nov 2015.

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Maxamuud Xaashi iyo Wasiirkii hore oo xilka la kala wareegaya 4 Nov 2015.

Agaasimaha Maamulka Madaxtooyadda Maxamuud Cabdilahi Xarbi oo munaasibadda ka warbixiyey, ayaa ka hadlay baaxada iyo Culayska ay leedahay wasaaradda Madaxtooyadu iyo masuuliyiinta kala duwan ee maanta la kala wareegaya Xilalka.

Sidoo kale Wasiiru-dawlaha Madaxtooyadda Maxamed Muuse Abees oo ka hadlay xafladaa, ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay diyaar u yihiin inay soo dhaweeyaan oo la shaqeeyaan wasiirka cusub, wasiirkii horena ay Alle uga baryayaan inuu Alle himiladiisa gaadhsiiyo.

waxa kale oo munaasibadaa ka hadlay Wasiiru-dawlihii hore ee Arrimaha nabadaynta gobolada Bari, xiligana ah Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) isaga oo ka war bixiyey wixii u qabsoomay intii uu xilkaasi hayey, wuxuuna ku wareejiyey xilka Wasiiru-dawlaha cusub ee dhowaan Madaxweyne Siilaanyo u magcaabay Arrimaha nabadaynta gobolada Bari, Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Carab).

Munaasibadaa, waxa kale oo xilka kula kala wareegay Afhayeenka cusub Xuseen Deyr iyo Afhayeenkii hore ee Madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul, kuwaas oo hadala ka jeediyey munaasibada.

Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlay halkaa, ayaa sheegay inuu maanta wareejinaayo wasaarad isu dheeli tiran oo uu wasiirka cusubi nasiib u yeeshay, isagoo yidhi, “Anigu waxaan odhankaraa wuu igaga nasiib wacan yahay, wasiirku, maxaa yeelay markii aan xilkan la wareegayey may jirin wax dhisan oo wasaaradda Madaxtooyadda la yidhaahdaa oo aan la wareegay, balse maanta waxa aan wareejinayaa Wasaarad dhisan oo ay u dhan yihiin arrimaheedii wasaaradnimo” Sidaa ayuu yidhi wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Somaliland.

Mooyooyinka Madaxtooyadda Somaliland iyo gaadiidka

Mooyooyinka Madaxtooyadda Somaliland iyo gaadiidka

Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa mahad iyo amaan balaadhan u soo jeediyey Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo uu sheegay in muddo Lix sanno ku dhaw ay soo wada shaqaynayeen, wuxuuna ku tilmaamay inuu yahay hogaamiye lala shaqeeyo ka ugu wanaagsan oo ay ku kala tageen wanaag iyo isu laab xaadhnaan, isla markaana aanu marnaba jecelayn cid wax ka sheegta madaxweynaha qaranka.

Wasiirka Cusub ee Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka hadlay munaasibadaa, ayaa u mahadnaqay wasiirkii hore ee Madaxtooyadda oo uu sheegay in ay ahaayeen saaxiibo qotodheer in baddana uu kala soo shaqeeyey hawlaha wasaaradda Madaxtooyadda. sidaa awgeed uu ka rajaynayo inuu sidii iyo si ka sii fiicanba ula shaqayndoono.
Halkan Ka Daawo Hadalkii Wasiirkii Hore ee Madaxtooyadda Xirsi Riix

Halkan Ka Daawo Hadalka Wasiirka Cusub ee Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Riix

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380