Riyadh(ANN)-Xiisada ka dhalatay Weriyihii la waayay, Khashoggi, kadib markii uu 2 Oct, 2018, galay qunsuliyadda Sucuudiga ee Instanbuul, ayaa korodhay markii Wasiirka arrimaha dibadda Scuudiga Caadil Al-Jubeyr warbaahinta Fox News u sheegay in “dilka” uu ahaa “khalad aad u weyn” Isla markaana beeniyay in dhaxal sugaha boqortooyada ee awoodda baddan Maxamed Bin Salmaan amray shirqoolkii bahalnimada ahaa ee lagu khaarajiyay Weriyahaa.

Al-Jubayr, ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta Sucuudiga ay dilka Jamal Khashoggi ahaa hawlgal khaldamay, “howlgal khaldamay”, wuxuuna dhawaaaqa Wasiirka Arrimaha Dibedda Caadil Al-Jubayr noqday mid ka duwan kii ay hore ugu dheganaayeen, waxayna taasi si weyn u dhaawacday sawirkii laga haysatay Sucuudiga.

Wakaaladda wararka ee Sucuudiga, Boqor Salmaan iyo wiilkiisa ayaa labaduba taleefoon kula hadlay wiilka uu dhalay Jamal Khashoggi oo lagu magcaabo Saalax Jamal Khashoggi oo ku sugan Dalka Sucuudiga, Isla markaana hore loogu diiday in uu dalka ka boxo, waxayna ka tacsiyadeeyeen dilka Aabihii loo geystay.

Xukuumadda Sucuudiga oo waajahaysa Cadaadis iyo canbaarayn kaga imanay dunida, ayaa ugu baaqaya in ay ka jawaabaan su’aalo la xidhidha dilka Weriyahaa, qaabka loo khaarajiyay, cida ka danbaysay Iyo halka la geeyay maydkiisa.

Waxaana artintaa sii murgiyay dhawaaqyada is burinayay ee kasoo baxayay masuuliyinta Sucuudiga tan Iyo maalintii la waayay Weriyahaa 2 Oct, 2018, iyagoo markii hore sheegay in 2 Oct, 2018, uu si nabad ah uga baxay qunsuliyadda isagoo aan waxba la yeelin, balse maalintii Jimcaha ayey markii ugu horreysay qirteen inuu dhintay, iyagoo sheegay in lagu dilay dagaal ka dhacay qudaha qunsuliyadda.

Dhawaaqaa Sucuudiga, ayaa kiciyay shaki iyo dareen sii xoojiyay walaacii hore ee taagnaa, waxaana ka dhashay Su’aalo Jawaabtooda laga sugayo Xukuumadda Sucuudiga, kuwaas oo nooqnaya, yaa fuliyay ‘dilka’ Khashoggi? Sidoo kale markii dawladda Turkigu shaacisay magacyada iyo sawirrada kooxda lala xidhiidhiyay dilkaa, iyadoo baadhitaanada la hayaa raadka dilka Kashoggi oo galay qasriga boqortooyada Sucuudiga

Saraakiisha Turkiga ayaa aaminsan in Khashoggi, oo ahaa suxufi caan ah oo dhaliili jiray Siyaasada Maxamed Bin Salman, ay dileen koox ka socotay sirdoonka Sucuudiga oo loogu tala galay, waxayna sheegeen inay caddeyn u hayaan arrintaas.

Sidey isu baddaleen hadallada ka soo baxay dowladda Sucuudiga?

Dhawaaqa Caadil Al-Jubeyr uu ku xaqiijiyay dilka ayaa ah mid ka mid ah dhawaaqyada sida tooska ah uga yimi Qoyska boqortooyada Sucuudiga.

“Waxaa naga go’an inaan soo saarno dhammaan xaqiiqooyinka waxaana naga go’an inaan ciqaabno kuwii mas’uulka ka ahaa dilkaa, shakhsiyaadka arrintan sameeyay waxay isticmaaleen awood aanay lahayn”.ayuu yidhi.

“Dabcan waxaa la sameeyay khalad aad u baaxad weyn, waxa xaaladda uga sii darayna waxay ahayd in khaladkaas la isku dayay in la daboolo”.ayuu yidhi, isagoo la weydiiyay sida ay hadaladoodu isu khilaafayaan.

Wuxuu sheegay in aanay ilaa hadda ogeyn halka la geeyay meydka, sidoo kalena ficilkaas aanu waxba ka ogayn falkaa dhaxal sugaha boqortooyada Maxamed Bin Salmaan, oo loo arko inuu yahay shakhsiga ugu awoodda badan dalka Sucuudiga ee lala xidhiidhinayo dilkaa.

Wargeyska Yeni Safak, oo ku dhow dowladda Turkiga ayaa sheegay inuu hayo macluumaad muujinaya in xafiiska dhaxal sugaha boqortooyada uu afar jeer taleefanno ah ka helay qunsuliyadda, marka uu dilku dhacay kadib.

Baadhitaanada ay sameeyeen saraakiisha Turkiga Iyo warqad si hoose loo helay,ayaa muujisay in sarkaal ka tirsan safaaradda Sucuudiga ee Turkiga oo lagu magacaabo Maher Mutreb uu taleefankiisa khaaska ah u isticmaalay in uu kula hadlo xafiiska dhaxalsugaha, sidoo kalena uu la xidhiidhay lambar Mareykan ah oo la rumeysanyahay inuu leeyahay dhaxal sugaha walaallkii oo ka yar oo lagu magacaabo Khaalid Bin Salmaan, kaasoo ah safiirka Sucuudiga u fadhiya dalka Mareykanka, balse Amiir Khaalid Bin Salmaan ayaa Mareykanka ka soo baxay isla markii uu soo shaac baxay warka ku saabsan in la waayay Weriye Jamal Khashoggi.

Dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee dhacay Dilka Jamal Khashoggi.
:

2 Oktoobar

Saacaddu markii ay ahayd 03:28: Diyaarad khaas ah oo sidday dad lagu tuhunsanyahay iney ahaayeen mukhaabaraadka Sucuudiga ayaa tagtay garoonka magaalada Istambul. Diyaarad labaad ayaa halkaas gaartay goor dambe oo galabti ah.

Saacaddu markii ay ahayd 12:13: gawaari dhowr ah oo ay leeyihiin Dublomaasiyiin ayaa muuqaallo laga soo duubay iyagoo tagaya xarunta qunsuliyadda, waxaana la aaminsanyahay iney sideen qaar ka mid ah xubnaha mukhaabaraadka

Saacaddu markii ay ahayd 13:14: Mr Khashoggi ayaa gudaha u galay xarunta Qunsuliyadda, halkaasoo uu ka doontay warqado sharci oo fududeynaya guurkiisa

Saacaddu markii ay ahayd 15:08: Baabuur ayaa ka baxday Qunsuliyadda waxaana muuqaallo laga duubay iyagoo tagaya dhismaha deegaanka ah ee uu dagganyahay qunsulka, kaasoo u dhow qusuliyadda

Saacaddu markii ay ahayd 21:00: labadii diyaaradood ee khaaska ahaaba way ka tageen dalka Turkiga

3 Oktoobar – Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday in la waayay Mr Khaashuqji, oo loo maleynayay inuu ku jiro qunsuliyadda gudaheeda

4 Oktoobar – Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay inuu ka baxay safaaradda

7 Oktoobar – Saraakiisha Turkiga ayaa BBC-da u sheegay iney aaminsanyihiin in Mr Khashoggi lagu dilay Qunsuliyadda gudaheeda. Arrintan waxaa markii dambe si adag u beeniyay mas’uuliyiinta Sucuudiga

13 Oktoobar – Saraakiisha Turkiga ayaa laanta afcarabiga ee BBC-da u sheegay iney hayaan caddeymo codad iyo muuqaallo ah oo muujinaya dilka suxufigaas. Jiritaanka codadkaas iyo muuqaalladaas waxaa horay u sii shaaciyay warbaahinta maxalliga ah

15 iyo 17-18 Oktoobar – Baadhayaasha dalka Turkiga ayaa ku mashquulsanaa baaritaanno ay ku sameynayeen xarunta qunsuliyadda

19 October – Telefishinka Dowladda Sucuudiga ayaa soo tabiyay in baadhitaano hordhac ah oo la sameeyay ay muujiyeen in Jamaal Khaashuqji uu ku dhintay gudaha qunsuliyadda. In labo sarkaal oo sar sare laga eryay shaqada islamarkaana boqor Salmaan uu ku dhawaaqay in la sameeyo guddi heer wasiirro ah oo dib u habeyn ku sameeya waaxda sirdoonka.

20 October – Saraakiisha Turkiga ayaa wacad ku maray iney shaaca ka qaadi doonaan caddeymo ku saabsan dilka

21 October – Wasiirka arrimaha dibadda ee Sucuudiga ayaa warbaahinta Fox News u sheegay in arrintu ay ahayd “howlgal khaldamay” wuxuuna beeniyay in amarka “dilka” uu bixiyay dhaxal sugaha boqortooyada

Maxay dowladda Sucuudiga sameysay ilaa hadda?

Waxay sheegeen in ay xireen 18 ruux, shaqadana ka eryeen labo sarkaal oo ka mid ahaa dadka u dhow Maxamed Bin Salmaan.

Sidoo kale waxaa la dhisay guddi dhaxal sugaha ka hoos shaqeynaya oo dib u habeyn ku sameynaya maamulka waaxda sirdoonka ee dalka Sacuudiga.

Boqor Salmaan iyo amiir Maxamed ayaa labaduba waxay taleefan ka waceen wiilka uu dhalay Jamaal Khaashuqji oo lagu magacaabo Salah, waxayna uga tacsiyeeyeen geerida aabihiis.

Saalax Khashoqji ayaa daggan dalka Sucuudiga waxaana jariidadda Wall Street Journal ay sheegtay in horay looga mamnuucay ka bixitaanka waddanka, si uusan u soo booqanin aabihiis oo baxsad ku tagay dalka Mareykanka.

Dhinaca kale, haweeneydii uu damacsanaa Khaashuqji inuu guursado, Hatice Cengiz, oo u dhalatay Turkiga isla markaana ahayd qofkii ugu horreeyay ee soo tabiya maqnaanshihiisa ka dib markii ay dhowr saacadood sugeysay, ayaa loo sameeyay ciidamo boolis ah oo 24 saacadood ilaaliya, sida ay soo tabisay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu.

Sidey dunidu uga fal celisay dhacdadan?

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo Sabtidii wareysi siiyay wargeyska Washington Post ayaa sheegay in been badan ay ku jirto sharraxaadda Sucuudiga.

Trump ayaa xoojiyay suurtagalnimada in cunaqabateyn lagu soo rogo Sacuudiga.

Hase ahaatee joojinta qandaraaska hubka ayuu ku tilmaamay “mid mareykanka gaarsiineysa qasaare ka badan midka ay gaarsiineyso Sucuudiga”.

Dalalka Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa si wadajir ah u soo saaray bayaan ay ku muujinayaan naxdinta ay ka qaadeen dhimashada waxayna codsadeen in sharraxaad buuxda la siiyo.

Hase ahaatee dalal dhowr ah oo Sacuudiga ay xulafo yihiin ayaa taageero u muujiyay boqortooyada khaliijka.

Dowladda Kuwait ayaa boqor Salmaan ku ammaantay sida uu ula tacaalay kiiskan, halka dowladaha Masar, Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta ay iyaguna sidaas oo kale u garab istaageen Sucuudiga.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in “run qaawan” uu shaaca uga qaadi doono khudbad uu maalinta Salaasada ah ka jeedin doono baarlamaanka.

Xagey baadhitaanafu marayaan hadda?

Inkastoo ay dowladda Turkiga xoogaa hakisay eedeyntii tooska ahayd ee ay dilka ugu jeedineysay Sucuudiga, haddana baareyaasha ayaa sheegay iney hayaan cadeyn maqal iyo muuqaal ah oo la xiriirta in dilka Khaashuqji ay qunsuliyadda dhexdeeda ku fuliyeen koox Sucuudi ah oo loogu tala galay iney dilalka fuliyaan.

Booliska ayaa baaritaan ka sameeyay keymaha u dhow goobtaas ee magaalada Istambul, waxayna aaminsanyihiin in meydkiisa lagu tuuray aagaas ayna heli doonaan “mar aan dheereyn”.

Dhismeyaasha qunsuliyadda iyo hoyga qunsulka ayaa labadaba baadhitaan lagu sameeyay, waxayna dacwad oogeyaasha Turkiga su’aalo weydiinayaan shaqaalaha maxalliga ah ee Qunsuliyadda.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa Axadii ku warrantay in sarkaal Sacuudi ah uu u sheegay in Khashogii la dilay ka dib markii uu diiday isku day lagu doonayay in dib loogu celiyo dalkiisa.

Meydkiisa oo la burburiyay ayaa markaas ka dib loo dhiibay shirkad maxalli ah oo la shaqeysa qunsuliyadda, si loo tuuro, balse Xoggo kale ayaa sheegaya in 15 qaybood loo jar-jaray Kadibna loo qaaday hilibkiisa Dalka Sucuudiga.

Sarkaal Suciidi ah ayaa xidhtay dharkii Khashoggi wuxuuna ka baxay albaabka dambe ee Qunsuliyadda, kaas oo la dooyay in la waafajiyo sheegashada Sucuudiga ee ahaa in uu ka baxay Jamal Khashogi dhismaha qunsuliyadda.