Araweelo News Network

UCIDHargeysa(ANN) Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Somaliland, ayaa ku dhawaaqay go’aan ay gaadheen khilaafka xisbiga mucaaradka ah ee UCID u qaybiyey labada garab kadib markii ay dacwadahooda hore u dhegaysteen.
Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda oo go’aankooda kaga dhawaaqay shir ay ku qabteen xafiiskooda shalay oo ay goob-joog ka ahaayeen labada garab ee UCID, waxa ay sheegeen in aanay dhammaystirnayn sharcinimada murrashaxnimada Jamaal Cali Xuseen oo loo baahan yahay shirweyne laga ansixiyo iyo in aan loo baahnayn shir gole dhexe oo mar kale lagu doorto murrashax sidii uu ku doonayey Faysal Cali-waraabe, sidoo kalena in shirwayn aan caadi ahayn oo labada dhinac wada maamulayaan lagu qabto muddo 45 maalmood ah.
Haddaba, qodobadda go’aanka Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Somaliland ka soo saaray khilaafka xisbiga UCID oo uu saxaafadda u akhriyey Afhayeenka Guddiga waxa uu u qornaa sidan:
“1. In xisbiga UCID labadiisa garab qabsadaan shirwayne aan caadi ahayn muddo shan iyo afartan casho gudahooda oo ka bilaabmaysa 21/07/2016.
2. In labada garab soo magacaabaan guddi maamuusha shirwaynahaa oo ah tiro is le’eg.
3. Guddiga tiradeedu waa 10 xubnood oo labada garab midba soo magacaabayo shan xubnood, waxaanna loo soo gudbinayaa magacyadooda Guddiga Diiwaangelinta;
a) Guddigu waxay iska dhex dooranayaan guddoomiye iyo xoghaye fulineed oo midba garab ka imanayo.
b) Guddigu waxay si is le’eg u soo xulaysaa ergada shirwaynaha.
c) Guddigu waxay maamulaysaa shirwaynaha ilaa inta go’aamadiisu ka soo baxayaan
d) Kharashka shirka ku baxaya waxa bixinaya labada garab ee xisbiga si is le’eg.
4. Shirwaynaha waxa lagu ansixinayaa dhammaan qodobadda heshiiska labada garab iyo wax-ka-beddelka xeerka guud ee xisbiga UCID ee ku taar. 12/07/2012.
5. Golaha Dhexe ee Xsbiga UCID oo tiradiisa sharciga ah tahay 181 xubnood. soo-jeedin sharci ahna ka taal waxa lagu dhammaystirayaa shirwaynaha.
6. Murrashaxnimada Jamaal Cali Xuseen waxay ku dhammaystirmaysaa marka shirwaynuhu ansixiyo, umana baahna shir Gole Dhexe oo dambe oo lagu ansixiyo.
7. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray) oo heshiiska loogu ansixiyey guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID wuxuu xilkiisu ku dhammaystirmayaa marka shirwaynuhu ansixiyo.
8. Qodobadda 1-aad ilaa 7-aad ee go’aankan waxa ay guddidu u cuskatay sida ku cad heshiiskii labada garab ee ku taariikhaysnaa 12/7/2012-kii, qoddobadda 1-aad iyo 4-aad oo u dhigan sidan: (Labada dhinac waxa ay ku heshiiyeen in sida ugu dhaqsaha badan loo hawlgeliyo guddi qabanqaabo oo ka shaqaynaysa qabsoomadda kalfadhiga afraad ee Golaha Dhexe ee xisbiga UCID iyo shirweyne guud oo aan caadi ahayn, shirka Golaha Dhexe iyo shirweynaha waxa lagu ansixinayaa dhammaan qoddobadda heshiiska, sidoo kalena waxa lagu meermarinayaa wixii kaabis iyo wax-ka-beddel ah ee lagu sameeyey xeerka guud ee xisbiga Ucid.
Qodobka1-aad baaragaraafka u dambeeyaa waxa uu leeyahay (Sidoo kale waxa ay labada dhinac isla meel dhigeen in dhammaan guddi hoosaadyada iyo xoghayayaasha xisbiga ay si siman u qaybsadaan.”
9. Waxa kale oo ay u cuskatay: Xeer 14. Qodobkiisa 26-aad oo u dhigan sidan (Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka waxa uu awood u leeyahay inuu soo saaro xeer-nidaamiye, xeerka, xeerka hab-dhaqanka iyo awaamiir aan ka horimanayn xeer 14.)
Ciddii xukunkan ku qanci weyda waxa u furan inay rafcaan u qaadato Maxkamadda Sare ee Somaliland,” ayaa lagu soo gunaanaday go’aanka Guddiga Diiwaangelinta.
Dhinaca kale, labada garab ee ay kala hoggaaminayaan Guddoomiye Faysal Cali-waraabe iyo murrashax Jamaal Cali Xuseen oo u muuqda in aan midna si buuxda u raaligalin, ayaa ka hadlay mowqifyadooda.
Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo markii go’aanka lagu dhawaaqay kadib shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa si guud u soo dhaweeyey, isagoo xusay in guddigu caddaysay mowqifkiisii uu ka taagnaa murrashaxnimada Jamaal, waxaannu yidhi, “Markaa waxa halkan ka caddaatay sidii aannu markii horeba sheegaynay in aannu heshiiska kooxdan la galnay ahayn mid hirgalay ama sharciyoobay oo aannu Jamaal ahayn murrashax, Golaha Dhexe aannu ku jirin oo goluhu yahay 181-kii lagu doortay shirweynaha, in aannu Cali Guray ahayn Guddoomiye-ku-xigeen saddexaad oo aan shirweyne lagu dooran mid dambe oo laga ansixiyeyna aannu jirin. Waa intaa qodobada u waawayni, waanuna soo dhawaynaynaa Insha Allaahu, waanu darsi doonaa oo haddaanu aragno wax aannu xeerkayagu qorayn oo ka soo horjeeda dastuurkana gadaal baanu ka soo sheegi doonaa.”
Waxa kaloo uu sheegay inay wada-shati iyo dib-u-eegis ku samayn doonaan dastuurka xisbigooda si ay u qiimeeyaan in qodobadda go’aanka ay iswaafaqayaan, markaa kadibna raaci doono sida xeerku dhigayo.
“Guul baannu u aragnaa wixii aannu intaa ummadda u sheegaynay ee aannu lahayn murrashax maaha ninkani (Jamaal) oo wixiisii muu hirgalin, saddex sanno iyo badh buu lahaa murrashax baan ahay oo uu lacag ku urursanayey, taasi meeshay ka baxday, Cali Guray-na aan shirweyne lagu dooran oo Facebook dambe oo uu gole dhexe ka sheeganayaa aanay jirin.
Xisbiga UCID in aannu murrashax lahayn ilaa hadda sida xisbiga WADDANI oo maanta saddexda xisbi uu Muuse Biixi oo keliya murrashax ka yahay ayaa caddaatay,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.
Geesta kale, Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray) oo u hadlay garab Jamaal Cali Xuseen, ayaa isna soo dhaweeyey go’aankan oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid badbaadin kara xisbigooda.
“Go’aankani wuu u qalmaa mid Guddigu muddada intaa le’eg haysteen, waxaanna iiga dhex muuqda runtii in aannu ka dhex dhalin karno xalkii xisbigan UCID uu ku noqon lahaa xisbi qaran oo jira. Waxaan aad u soo dhawaynayaa qodobka ay gaadheen guddigu oo ah in aannu ku qabsanno shirweyne muddo shan iyo afartan casho ah oo aannu ku dhammaystirno qodobadda u baahan in shiweyne lagu dhammaystiro. Haseyeeeshee, waxaannu qabnaa, inkasta oo aannu sharciga dib ugu noqon doono, go’aankana axadhi doonno inay jiraan qodobbo aan u baahnayn in shirweyne lagu dhammaystiro,” ayuu yidhi Cali-guray.