tahriibayaal2

Brussels(ANN) Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, Ban Ki-moon, ayaa ku gacan saydhay qorshaha Hoggaamiyayaasha Midawga Yurub ee la doonayo in lagu Bur-buriyo Doonayaha Tahriibta si loo joojiyo malaayiin Muhaajiriin ah oo sida hirarka uga gudbaya Mediterranean, iyagoo doonaya inay galaan dalalka Yurub si ay nolol ugu raadsadaan.
Ban Ki-moon, wuxuu sheegay in aan tallaabo millateri aanay xal u noqonayn joojita muhaajiriinta ka gudbaya Badda Mediterranean.
Dhawaaqa Xoghayaha Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-Moon, ayaa yimi kadib markii ay soo baxday in hoggaamiyayaasha Midowga Yurub qorshaynayaan qaraar golaha amaanka la mariyo oo tallaabo Milateri lagaga qaadayo Tahriibayaasha, iyadoo la doonayo in burburiyo doonyaha kooxaha mukhalisiinta ah ka hor intaanay u isticmaalin inay dadka ku tahriibiyaan.

Qorshaha Midawga Yurub ku doonayaan in qaraar la xidhiidha arrintaa hordhigaan golaha Amaanka si loogu ansixiyo in ay tallaabo Milateri u adeegsadaan Tahriibayasha, isla markaana waxa qorshahaa ku jira in Yurub aqbasho sannadkii 5,000, kuwaas oo noqonaya dad xirfado ay ku shaqaysan karaan leh oo ka kala yimi dalal kala duwan.
Sidoo kale qaraarka Midawga Yurub, waxa ku lamaan in mashaariic lagu xakamaynayo Tahriibta oo la xidhiidha baahida dalalka ay ka imanayaan muhaajiriintu la sameeyo, waxaana dalalka qaraarkaa oo laba weji leh doonaya in loo gudbiyo golaha amaanka Isniinta Todobaadkan hormood u ah dalalka Britain iyo Farance , kuwaas qorshaha ay wadaan abuuray doodo durba muran siyaasadeed ka dhex dhaliyay quwadaha waaweyn iyo dalalka Yurub qaarkood oo ku kala aragti duwan, waxaana durba arrintaa gaashaanka ku dhuftay Dalka Rashia oo sheegay in aanu marnaba aqbalayn bur-burinta doonyaha iyo in tallaabo Milateri loo adeegsado dadka ka haajiriya Gaajada, amaandarada, faqriga iyo rajo la’aanta ay uga qaxayaan dalalkooda.

Ku dhowaad 300, 000, muhaajiriin ah, ayaa si sharci-daro ah ku galay dalalka Yurub sannadkii hore 2014, balse sannadkan ayaa noqday kii muhaajiriinta ugu baddan ka gudbeen Badda Mediterranean, iyadoo tirada dhimashada inta la ogyahay 150, 000 ay ku dhinteen Afartii bilood ee u horeeyay sannadkan 2015, taas marka loo eego sannadkii hore 2014, muhaajiriinta ku dhimatay Badda Mediterranean inta la ogyahay 3,500 qof.

Sababaha sii kordhiyay Tahriibayaasha, ayaa lala xidhiidhiyay, dagaalada ka socda dalalka Syria, Libya oo aanay ka jirin wax dawlad ah dhawrkii sanadood ee u danbeeyay iyo dhibaatooyinka ay ka cararayaan muhaajiriinta oo inta baddan ka taga dalalka Suuriya, Eritrea iyo Soomaaliya, kuwaas oo doonaya inay nolol u raadsadaan dalalka Yurub.

Somaliland, ayaa ka mid ah meelaha Tahriibtu sida weyn u korodhay sanadii u danbeeyay, iyadoo sabab looga dhigay inay kumanaan dhalinyaro ah go’aansadeen inay nafohooda ku biimeeyaan saxaraha iyo Badda. Kadib markii ay waxba kama jiraan noqotay balanqaadyadii xiligii Ololaha dhawr sanadood ka hor Madaxweyne Siilaanyo ka dhawaajinayay ee k udoodayay inuu wax ka qabanayo waxyaabaha kicinaya dhalinyarada ee ka eryayay dalkooda oo ah shaqo la’aan, cadaalad-daro, balse waxay si weyn uga kacday tahriibtu garaafkii ay taagnayd mudadii Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale, isla markaana dhawaaqyadii xiligii Ololaha ee Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxba kama jiraan noqday, taas beddelkeedana waxay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dhiiri gelisay Tahriibta, iyadoo go’a u riday rajadii dhalinyarada ee mudada dheer dugsanaysay dhawaaqyadii xiligii Ololaha ee Madaxweyne Siilaanyo.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.