Boorama (ANN) Rabshadaha la kowsaday go”aanka xukuumadda Somaliland ku Fasaxday Buugga Xeer Ciise ayaa sababay xaalad nabadgelyadaro oo si weyn looga dareemaya caawa Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.
Dadweyne gedoodsanoo la cadhooday go”aanka Xukuumadda ayaa weerarro ki qaaday dhismayaasha xarumaha dawladda oo ay qaarkood gubeen kuwa kalena ay la wareegeen.
Waxa la arkayay muuqaalo dadka oo dhismayaasha hay’addaha dawladda weeraray. Iyadoo qaarkood Albaabada jebinayaan, iyo kuwo dab la qabadsiiyay.
La xidhiidha: Xukuumadda Somaliland Oo Fasaxday Bandhiga Buugga Xeer Ciise Iyo Xiisaddo Ka Aloosmay Boorama
Dad goonb joog ah oo ku sugan Magaalada Boorama ayaa u xaqiijiyay Araweelonews in la gubay Bangiga Boorama. Sidoo kale ay dadka gadoodsan la wareegeen Saldhigyada Boliska qaarkood, iyadoo ay jiraan in xataa ganacsiyada gaarka loo leeyahay qaarkood khasaare ay u geysteen dadka gadoodsan.
Khasaaraha dhabta ah iyo dhimashada iyo dhaawaca ayaan si dhab ah loo ogayn, laakin waxa dadka qaarkood u sheegeen Araweelonews inkasta oo habeenimo ay tahay inta la ogyahay ilaa sodoneeyo qof oo dhimasho iyo dhaawac ah inay jiraan.
Dhinaca deegaanka Saylac ayaa sidoo kale laga soo sheegayaa rabshado la xidhiidha arrintan oo ka bilaabmay deegaanka cawayskii, kuwaas oo aan si dhab ah loo ogayn khasaaraha ka dhashay.
Go’aanka Xukuumaddu Fasaxday Bandhiga Buugga Xeer Ciise
Xukuumadda Somaliland ayaan wax war ah kasoo saarin mashaqada ka dhalatay go’aanka oo u muuqda mid si weyn u dhaacaya qaranimada iyo xasiloonida amniga guud ee deegaamada galbeedka Somaliland.
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
Follow us or Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
Join our Telegram Channel https://t.me//araweelonews
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv


