Araweelo News News

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, oo ay wehliyaan maamulka Gobalka Benaadir iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dawladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa  maanta daah-furay Imtixaanka dawliga ah ee dugsiyada sare oo ay u fadhiisteen Arday lagu qiyaasay  27,600, kuwaas oo waxkabartay Dugsiyada kooban ee ka Jira meelaha ay maamusho.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya  oo booqday Dusguga  15-ka May ee degmadda Warta Nabadda oo ka mid ah xarumaha ay maamusho dawladda oo lagu qaadayo imtixaanka, wuxuuna ka hadlay ahmiyadda ay uu dawladda Soomaaliya u leeyahay Imtixaanka iyo faa’iidooyinka laga dhexlo waxbarashada, isagoo Ardayda u rajeeyay in ay guul iyo farxad ku dhameestaan Imtixaanka maanta u bilaabmay.

” Waxaan u mahad celinayaa Hooyooyinkii iyo Aabayashii ku soo dadaalay in ay maanta carruurtooda halkan soo gaadhsiiyaan, annaguna waxaan ballan qaadaynaa in aan ku dadaalayno sidii ay ardaydan u heli lahaayeen mustqabal wanaagsan oo wax wayn ka bedelaya noloshooda.” Ayuu yidhi, Ra’iisal  Wasaare Khayre.

Ra’iisal Wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sidoo kale u mahad celiyay madaxda Wasaaradda Waxbarashada, Maamulka gobolka Benaadir iyo ciidamada amaanka sida wadajirka ah ee ay uga shaqeeyeen hirgalinta imtixaankan dawliga ah, kaas oo u baahan taxadir iyo dadaal badan si loo ilaaliyo amaanada imtixaanka dalka.

—-DHAMMAAD—-
Maxamed Cabdicasiis Dhuubka
Muqdisho, Somalia