Araweelo News Network

Addis-Ababa(ANN)Ra’isal Wasaaraha Dalka Ethiopia Abiy Axmed oo kasoo laabtay booqasho uu ku tegey Magaalada Muqdisho ee xarunta Dalka Soomaaliya, ayaa ka dhawaajyay in Madaxda dawladda Federaalka ee Soomaaliya ay ka wada hadleen sidii loo midayn lahaa labada dal, Isla markaana meesha looga saari lahaa taariikhda colaadeed ee u dhaxaysay oo siyaasad cusub Iyo iskaashi loogu gudbi lahaa.

“Ujeeddada ugu weyn ee wada hadallada aan la yeelanay madaxda Soomaaliya, waxay ahayd ilaa iyo goorma ayaan taariikh ka sheekeyneynaa oo aynu leennahay hebel hebel ayuu dilay oo aan sheekadaa jiilal badan kaga hor istaageynaa in aanay hormar gaadhin, oohintu saw naguma filna, Col Mengistu iyo Siyaad Barre ayaa waxaa iyo waxaa sameeyey intaynu ka sheekeyn lahayn oo aynu labadan shacab oo walaalaha ah kala geyn lahayn, labada shacab tallaabbo aynu ku kulmineyno oo aynu isugu soo dhaweyneyno oo aan isdhexgal iyo midnimo dhab ah sidii aan isugu keeni lahayn waddo noocaa ahsoo ma abuuri karno ayaan guud ahaan ka wada hadalnay”. Ayuu yidhi Abiy Ra’iisal wasaaraha Ethiopia.

 

Ra’isal Wasaaraha Dalka Ethiopia Abiy Axmed, waxa uu hadlay heshiis ay Magalada muqdisho ku wada saxeexdeen madaxda dawladda Federaalka ee Soomaaliya oo lagu sheegay in ay qodobo ka mid ah ku xuseen in Ethiopia doonayso in ay maalgelin ku samayso Afar dekedood oo ku yaal Soomaaliya, kuwaas oo aan si cad loo shaacin kuwa ay yihiin, wuxuuna Ra’iisal wasaraha Ethiopia Dr. Abiy Ahmed oo ka hadlaya isticmaalka dekedahaa yidhi,”Soomaaliya waa dal Juqraafi ahaan meel hal bowla ah ku yaalla, laakiin biyaha badda intaa le’eg ee Soomaaliya ku wareegsan maalinti inaan hal Markab lagu arkin ayuu noqday, biyahaasi badda intaa le’eg oo aan maalinti hal Markab xitaa lagu arkeyn, biyahana aanay ahayn kuwa la cabbo dhulki wax lagu beeran lahaana biyahaasi uu dalku ka haystaan, anaguna aan nidhaahno dekad la’aan ayaan nahay oo aan dhibaatoono marka mustaqbalka fog laga eego aad ayey noo dhibeysaa waxyeella ayayna nagu haysaa”. Ayuu yidhi, Abiy.

Dhinaca kale Madaxda u saraysa dawladda Fedetaalka ayaa  ka hadlin Dhawaaqa Ra’iisal wasaraha Ethiopia ee la xidhiidha midnimada labada dal.

Hase yeeshee Wasiirka warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa  hadalka Dr Abiy ee midnimada labada dal meesha  ka saaray, wuxuuna xusay in aanu jirin heshiis ay labada dawladood ku heshiiyeen in ay noqdaan dal keliya.

Balse , Wasiirka Warfaafinta dawladda Federaalka ee Soomaaliya qayb kama ahayn kulanka dhexmaray Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Iyo Madaxda dawladda Federaalka, iyadoo aanay kulanka dhinaca dawladda Federaalka ah jirin cid ku wehelisay Madaxweyne Farmaajo Iyo Ra’iisal Wasaare Khayre. Sidoo kale soo dhowaynta Ra’iisal wasaraha Ethiopia ee muqdisho aanu ka qayb gelin wasiirka Arrimaha Dibadda ee dawladda Federaalka.

 

 

Dhawaaqa midnimo dhexmarta Soomaaliya iyo Ethiopia, ayaa soo tax nayd  laga soo bilaabo xilligii Boqor Haile Selassie, isagoo xiligaa doonayay in dhulka Soomaalida la hoos geeyo xukunka Ethiopia, iyada oo qeyb ka mid ah dhul weynihii Soomaaliya uu Ingiriiska ku wareejiyay Itoobiya sanadihii 1950-naadkii.

Markii ay Somaliland gobonimadeeda ka qaadatay mustacmaradii Boqortooyadda Britain 26 Jun 1960,maalin kadib Wefdi uu hoggaaminayey Maxamed Ibraahim Cigaal oo la kulmay Boqor Haile Selassie, wuxuu Boqor Haile Selassie markii ay kala hadleen dhulka Soomaalida wuxuu ku dooday in  dhulkaasi yahay mid Ethiopian ee aanu jirin dhul Soomaaliyeed, waxayna jawaabtaasi soo dhowaysay midnimadii deg dega ahayd ee dhexmartay Soomaalidii gumaysiga Talyaaniga ee Koonfurta Iyo Somaliland procteret Boqortooyadda Britain ka qaadatay xoriyadeeda, waxayna dooda Boqor Haile Selassie iyo damaca Ethiopia soo qadimeen dagaalkii horraantii 1960 iyo Sidoo kale dagaalkii taariikhda galay ee 1977-dii ee dhexmaray labada dal, kaas oo ahaa dagaalkii ugu weynaa inta taariikhda la xusuusto, Isla marakana ay ciidamada Soomaaliya  guulo waaweyn ka gaadheen kadib markii ay qabsadeen dhulka lagu muransanaa ee Soomaalida Ethiopi 90% wax ka badan.

Balse xulufadii uu Ruushku hoggaaminayay ee midawgii soofiyeet oo ay hormood ka ahaayeen ciidamo ka socday Cuba, Yemen iyo Liibiya ayaa dhabarjabin ku sameeyay Soomaaliya, waxaana ugu danbayntii Soomaaliya lagu khasbay in ay kasoo baxdo dhulkii ay qabsatay ee gudaha dalka Ethiopia, iyadoo ciidamadda Soomaaliya oo xiligaa laga yaabay cududdooda ay kusii siqayeen caasimada Ethiopia ee Addis -Ababa, wuxuuna dagaalkaa oo ku dhowaad Afartan sannadood laga joogaa noqday mid taariikhi ah oo weli dhinaca Soomaaliya Iyo Ethiopia  cadaawadiisu ka muuqato, marka laga reebo Somaliland oo hore meesha uga saartay colaadaa guunka ah.