Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaaraha Dalka Ethiopia Abiy Ahmed, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay maanta Magaalada muqdisho ee Xarunta Soomaaliya, waxaana  loo gelbiyay dhinaca xarunta Madaxtooyada halkaas oo uu kulamo kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisal wasaaraha Dalka Ethiopia Abiy Ahmed markii uu kasoo degey garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa isku gedaamay ciidamo Ethiiopian ah, kuwaas oo salaan sharaf iyo music-ga calanka Ethiopia u garaacay.

Waxaana aad loo adkeeyay Amaanka Magaalada muqdisho, iyadoo Kumamanaan askari oo isugu jira AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka lagu daadiyay wadada makka Al Mukarrama si ay u sugaan ammaanka .sidoo kale Ciidamada waddooyinka lagu daadiyay waxaa kamid ahaa kuwo Ethiopian ah iyo qaybo kale oo ah kuwa AMISOM ee jooga Soomaaliya, waxaana Wadooyinka waaweyn la sudhay Calanka Ethiopia.

War-murtiyeed ay wada Jir usoo saareen Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Iyo Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, ayaa lagu sheegay in labada dhinac wada saxeexdeen heshiis iskaashi oo ka kooban 16 qodob.