Araweelo News Network

 

Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu (Photo by Reuters)

Tel Aviv(ANN)- Ra’iisal-wasaaraha waddanka Israa’iil Mr. Benjamin Netanyahu, ayaa uga digay dawladda Iiraan inay weerarro millatari ku soo qaaddo gudaha dalkooda.

Mr. Netanyahu oo warbaahinta la hadlay , waxa uu sheegay inay Israa’iil iska difaaci doonto weerar kasta oo dibadda kaga yimaad.

Sidoo kale, waxa uu Iiraan uga digay inay ku soo xadgudubto madaxbannaanida dalkiisa, waxaannu intaa ku daray inay iska caddahay siyaasadda Israa’iil ee ku aaddan difaaca dhulkeeda.
Millateriga Israa’iil ayaa sheegay inay qaadeen weerarro ballaadhan oo ay ku bartilmaameedsanayaan saldhigyo ciidan oo ku yaal gudaha dalka Suuriya, kadib markii la soo riday mid ka mid ah diyaaradahooda dagaalka oo gantaal lagaga ganay Suuriya maalintii Sabtida, waxayna Israa’iil duqaymahaas ku tilmaamtay kuwii ugu ba’naa ee ay qaaddo muddo soddon sanno ah.

Afhayeen u hadlay ciidammada Israa’iil oo lagu magacaabo Jonathan Conricus, ayaa BBC-da u sheegay inay bartilmaameedsadeen saldhigyo ciidan dawladda Iiran ku leedahay gudaha Suuriya iyo xeryo millateriga xukuumadda Madaxweyne Asad ku leeyihiin agagaarka caasimadda Dimishiq.

Qaraxyo ayaa laga maqlay meel aan sidaa uga fogeyn caasimadda Dimishiq maalintii Sabtida ee toddobaadkan.

War ka soo baxay xukuumadda Yuhuudda maalintii Sabtida, ayaa lagu xusay in meelaha ay weerarrada aargoosiga ah la beegsanayaan ka mid yihiin hannaanka difaaaca cirka ee Suuriya iyo weliba xarumo millatari Iiraan ku leeyihiin gudaha waddankaas.
Weerarrada Israa’iil qaadday ayaa yimi saacado uun kadib markii diyaarad dagaal oo millatareedu leeyahay ku burburtay gudaha dalka Suuriya, taas oo lagu ganay gantaal nooca lidka diyaaradaha.
Millateriga Israa’iil ayaa sheegay in diyaaradda laga soo riday ay fulisay weerar ka dhan ah bartilmaameedyo Iiraan ku leedahay gudaha Suuriya.
Laba duuliye oo diyaaradda waday, ayaa la sheegay inay iyagoo bed-qaba baarashuut kaga boodeen diyaaradda, kaddib markii ay ku burburtay woqooyiga Israa’iil habeennimadii Sabtida.
Dawladda Israa’iil ayaa sheegtay in diyaaradda dagaalka ee laga soo riday oo nooceedu ahaa F-16 ay wadday weerraro ay kaga jawaabaysay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan leedahay oo gudaha u soo galay hawada dalkeeda.

“Ciidammada Suuriya ayaa rasaas furay diyaaradda, kaddib markii Israa’iil ay ku dhaqaaqday fal daandaansi ah.” Sidaa waxa lagu sheegay war laga baahiyey warbaahinta qaranka Israa’iil.

Geesta kale, Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Mr. Antonio Guterres, ayaa ku baaqay in si shuruud la’an ah loo joojiyo colaadda ka soo cusboonaatay Suuriya, kadib markii diyaarad ciidammada Isra’iil leeyihiin lagu soo riday gudaha dalkaas maalintii Sabtida.
Mr Guterres waxa uu sheegay inuu si dhow uu ula socday xaaladda millateri ee ka soo cusboonaatay xuduudaha dalka Suuriya.
Dhinaca kale, diyaarad kuwa qumaatiga u kaca oo millatariga dalka Turkigu leeyihiin, ayaa lagu soo riday Gobolka Afrin ee waddanka Suuriya.

Ciidammada Turkiga ayaa in muddo ah gudaha dalka Suuriya ka waday hawgallo ka dhan ah dagaalyahannada Kurdiyiinta ee YPG oo taageero millatari ka hela dawladda Maraykanka.

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay diyaaradda la soo riday oo aan ilaa hadda la kala caddayn inay xammuul ahayd iyo nooca wax duqeeya ahayd.

Madaxweynaha Turkiga Mr. Rajab Tayyip Erdogan oo ka hadlay diyaaradda ciidankooda lagaga soo riday Suuriya, ayaa ku hanjabay inay ciqaab adag la kulmi doonaan ciddii ka dambaysay dhicista diyaaraddaas oo sida la sheegay gantaal lagu dhuftay.

Ciidanka lugta ee Turkiga ayaa galay woqooyiga Suuriya bishii la soo dhaafay, halkaas oo ay ka wadaan hawlgallo millatari oo ka dhan ah kooxaha Kurdiyiinta oo xukuumadda Ankara u aragto argagixiso.
Xoogagga YPG ayaa qayb ka ah isbahaysi Maraykanku taageero oo ay ku jiraan tiro dagaallamayaal ka tirsan malleeshiyaadka Carbeed oo la baxay SDF, kuwaas oo dagaal qadhaadh kula jira ciidammada dawladda Suuriya.