Araweelo News Network

 

Muqdisho(ANN)-Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ra’iisal wasaare u magacaabay Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisal wasaaraha cusub Maxamed, oo 57 sano jir ah, wuxuu Farmaajo sheegay inuu ku soo xushay “Aqoonta, waayo aragnimada iyo kartida uu u leeyahay inuu sii ambaqaado dadaallada dowlad-dhiska iyo horumarinta qorsheyaasha Qaranka”.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa haddii uu helo kalsoonida baarlamaanka waxa uu la wareegi doonaa xafiiskii uu banneeyay ra’iisal wasaarihii isaga ka horreeyay, ee Xasan Cali Khayre, kaas oo 25-kii bishii Luulyo uu guddoonka baarlamaanka sheegay in kalsoonidii lagala laabtay.

Maxamed Rooble waxa uu haystaa 143 maalmood, taas oo ah dhammaadka muddo xileedka madaxweyne Farmaajo, waxaana looga fadhiyaa inuu soo dhiso  haddii la meel mariyo xukuumad dalka ka qabata doorashada dadban ee ay ku heshiiyeen madaxda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

 

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ra’iisal wasaare Rooble  faray: “In uu deg-deg ku soo dhiso xukuumad tayo leh oo dalka u horseedda in ay ka dhaqan geilso doorasho, dadaal muuqdana gelisa sidii loo xoojin lahaa guulaha laga gaadhay amniga, dib u dhiska Ciidamada Qalabka sida, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, baahinta adeegyada aas-aasiga ah, kamiro dhalinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo musuqmaasuqa.”

Haddaba waa kuma Maxamed Xuseen Rooble?

 

Maxamed Xuseen Rooble waa injineer ku dhashay magaalada Hobyo, bishii Oktoobar 1963, ahna Aabe dhalay shan carruur ah.

Waxa uu waxbarashadiisii asaasiga aheyd ku soo qaatay magaalada Muqdisho, halkaas oo markii dambe uu Jaacamaddii Ummadda kaga biiray kuliyaddii Injineerinka, oo uu ka qalinjabiyay sanadku markuu ahaa 1990.

Maxamed Xuseen Rooble, markii uu dalka ka dhacay dagaalkii sokeeye waxa uu ku biiray tobannaanka kun ee qof ee u qaxday dibadaha, markaas oo ay u suuragashay inuu galo dalka Sweden.

Sanaddii 2,000 ayuu jaamacad ku taal magaalada Stockholm ka qaatay saahadada heerka labaad ee Masters Degree-ga.

Maxamed waxa uu markaas wixii ka dambeeyay ka soo howlgalay dalalka Soomaaliya, Kenya, Tanzaaniya iyo Sweden, isagoo dhowr iyo toban sanadood la soo shaqeeyay hay’adaha Qaramada Midoobay gaar ahaan Hay’adda Shaqaalaha Adduunka ee loo soo gaabiyo (ILO).

Sida ku cad nuqul ka mid ah CV-giisa oo BBCda la soo gaadhsiiyay, waxa uu ku hadlaa shan luuqadood, oo kala ah Soomaali – lugaddiisa hooyo -, Ingiriis, Swedish, Carabi iyo Talyaani.

Maxamed Xuseen Rooble waa nin aanan hore loogu aqoon arrimaha siyaasadda hasayeeshee waxa uu ka soo shaqeeyay arrimaha horumarinka.

Maxamed waxa uu siyaasadda ku soo biirayaa xilli doorasho ay waddanka ku soo food-leedahay, arrintaas oo noqonaysa shaqada ugu wayn ee loogaga fadhiyo xukuumadda uu soo dhisi doono, waa haddii la meelmariyee.

Wuxuuse ku soo beegmay xilli madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada ay ka heshiiyeen nooca doorasho ee uu dalku geli doono iyo habkii loo mari lahaaba. sida ay shaacisay BBC-da.