Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)– Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Munaasabadda Ciidul-Firdiga ugu Hambalyeeyay dhammaan Muslimiinta gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed ee soo dhameystay bisha Barakeysan ee Ramadaan, isaga oo u rajeeyay in Allah uu ka aqbalo acmaasha Soonka.

Ra’iisal wasaaraha ayaa hambalyo taa lamid ah u diray ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed gaar ahaan ciidamada Sugayay amniga caasimadda ee suurageliyay in bisha Barakeysan ee Ramadaan si nabad ah looga soomo caasimadda dalka.

“Waxa aan Hambalyo u dirayaa Muslimiinta oo dhan gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed oo aan la wadaagayo farxadda Munaasabadda Ciidul-Firdiga. Waxa aan sidoo kale hambalyeynayaa una mahadcelinayaa ciidanka qalabka Sida ee Soomaaliyeed si gaar ah ciidanka sugidda amniga caasimadda oo suura geliyay in si nabad ah lagu dhameysto bisha Barakeysan ee Ramadaan”, ayuu yidhi,  Ra’iisal  Wasaare Khayre.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed u rajeeyay in sanadka danbe ay ku gaadhaan barwaaqo iyo horumar.

Bisha Ramadaan ee dhamaatay ayaa noqoneysa bishii ugu horeysay ee si nabad ah looga Soomo caasimadda muqdisho Taariikhda dhaw, iyada oo arintaas amaanteeda ay leeyihiin laamaha amniga iyo shacabka Soomaaliyeed ee iska kaashaday sugidda amniga” ayaa lagu yidhi war kasoo baxay Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka ee Ra’iisal wasaare Kahyre. balse waxa Magaalada muqdisho ka dhacay intii lagu jiray Bisha barakaysan qaraxyo Iyo dilal ay sheegteen kooxda Al shabaab.