Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey shir looga hadlayay habsami-u-socodka hannaanka doorashooyinka iyo dhamaystirka dib-u-eegista dastuurka.

Shirka ayaa lagu soo boggaadiyey heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray hannaanka doorashooyinka iyo sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka ah fulinta qodobadii kasoo baxay shirkii Madaxda DFS iyo Dowladdaha xubnaha ka ah ee lagu heshiiyey in dalka ay ka dhacaan doorashooyin ku qabsooma waqtigooda.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa shirka kusoo bandhigay sida ay uga go’an tahay Xukuumaddiisa fulinta qodobadii lagu heshiiyey ee ahaa in dalkan ay ka dhacdo doorasho xasilloon, isla markaana ay si caadi ah u socon doonaan howlaha dowladda xiliyada doorashada.

Mudane Rooble ayaa xusay in laamaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ay u diyaarsan yihiin dardargelinta fulinta qorshaha amniga codbixiyeyaasha, murashaxiinta iyo maamulayaasha doorashooyinka ee ku sugan goobaha codbixintu ka dhacayso, ayaa lagu yidhi, qoraal saxaafadeedka oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Shebekaddaha Araweelo News Networ.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya