Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudne Xasan Cali Kheyre, ayaa  kormeer shaqo ku tagay degmooyinka Hodon, Xamar Weyne, Shibis iyo Cabdicasiis, si uu ugu kuur galo howl-galada ay ciidamadda amaanku wadaan iyo xaalada ay ku shaqeeyaan ciidanku. Sidoo kalena waxuu booqday qaar ka mid ah isgoysyada gobolka Benaadir iyo xeebta liido.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya waxaa kormeerka shaqo ku weheliyay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Xil. Khadiijo Maxamed Diiriye, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) iyo taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Bashiir Cabdi Maxamed.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, intii uu ku jiray kormeerkiisa shaqo wuxuu saraakiisha ciidanka ee wada howl-galka lagu xasilinayo amaanka Muqdisho, ka dhagaystay warbixino ku saabsan xaalada guud ee Muqdisho. isgoo  amaanay shaqada ay habeen iyo maalin u taaganyihiin iyo sida ay ula macaamilaan shacab-kooda wakhtiga ay shaqada ku jiraan.

“Ciidankeenu waxay ku amaanan yahay sida ay ugu taagan yihiin Sugidda amnigga ugana adeegaan shacabkooda, sidaa darteed waxaaan farayaa in ay laba jibaaraan dadaalka ay ugu jiraan sugidda amaanka Caasimada Soomaaliya.” ayuu yiri Mudane Kheyre.

Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa sidoo kale la kulmay shacab iyo ganacsato ku sugnaa xeebta Liido,  waxuuna ganacsatada ka waraystay ganacsiga habeenkii iyo amniga, isaga oo ugu danbeyntii u soo jeediyay in ay laamaha amaanka kala shaqeeyaan ilaalinta nabad-galyada.

—DHAMMAAD—-

Maxamed Cabdicasiis Dhuubka
Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya