Araweelo News Network

Ra’iisal wasaare Khayre

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa ka hadlay Qarax Khasaare geystay oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

wuxuuna ammar ku bixiyay in Hay’addaha ammaanku si deg deg ah warbixin uga soo gudbiyaan, isagoo dhinaca kale ka tacsiyeeyay geerida dadkii shacabka ahaa ee  ku naf waayay qaraxaa oo ahaa mid loo adeegsaday Gaadhi oo ka dhacay afaafka hore Hotel Wehliye ee Muqdisho.

“Aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo kan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaan ka tacsiyeynayaa dadkii qiimaha badnaa ee maanta nooga baxay qaraxii ka dhacay afaafka hore Hotel Wehliye ee Jidka Maka Al-Mukarama.

“Caddowga aan la dagaallameyno waa mid caadeystay gumaadka shacabka, waana mid adeegsanaya xeelado kala duwan oo ay kamid tahay midda maanta dhacday.” Ayuu yidhi, Ra’iisal Wasaare Khayre.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku amray  laamaha amniga ee arrintan khuseyso in ay warbixin deg-deg ah ka keenaan sida walxaha qarxa ay kusoo dhaafeen baraha baadhista. Isla xisaabtan dhab ahna waa inuu jiraa” ayuu yidhi.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa u rajeeyay shacabkii ku dhaawacmay qaraxan in uu Alle deg-deg u bogsiiyo, waxuuna sheegay in ay dowladdu si dhaw ula soconayso xaaladda bukaannada dhaawacoodu daranyahay.

—DHAMMAAD—-

Maxamed Cabdicasiis Dhuubka
Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya