Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre, ayaa karmeer shaqo ku tagay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalmiga ah ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Maaliyadda, waxuuna kulamo kala duwan la yeeshay madaxda labada Wasaaradood.

Ugu horayn Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ay waheliyaan wasiir Ku xigeenka iyo Wasiir dawlaha Wasaaradda, ayaa Ra’iisal Wasaaraha ku soo dhaweeyay xarunta wasaaaradda, waxayna usoo bandhigayn sida ay shaqada u wadaan iyo halka ay howshu u marayso, isagoo Wasiir Cawad warbixin kooban ka siiyay dhammaan safaradii uu ku tagay dalka dibadiisa iyo guulaha laga gaadhay.

Ra’iisal Wasaare Khayre, ayaa kulanka ka dib tilmamay in loo baahan yahay in lagu dedaalo sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka arrimaha dibadeed ee Soomaaliya la wadaagto dalalka caalamka ayuu yidhi, si ay usoo ceshato sharaftii iyo awoodii ay ku lahayd caalamka.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, wuxuu sidoo kale booqday wasaaradda Maaliyadda, waxaan ku soo dhaweeyay wasiirka Wasaaraadda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda, wuxuuna kala hadlay sidii loo dar-dargalin lahaa howlaha shaqo ee wasaaradda iyo qorshayaasha ugu muhiimsan ee wasaaradu fulindoonto sanadkan bilowga ah.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, wuxuu markaa kadib booqday xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, halkaas oo ah goob loo tago nasasho iyo dalxiis, wuxuuna wakhti kula qaatay shacabkii usoo nasasho tagay xeebta, kuwaas oo u badnaa dhalinyaro, isagoo ka dhagaystay talooyinkooda, waxuuna u balan qaaday inu hirgilin doona aragtiyahooda kuwa ugu muhiimsan.

DHAMMAAD

Maxamed Cabdicasiis Dhuubka
Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya