Araweelo News Network

 

Khayre Iyo Abiy Ahmed

Addis Ababa, Ethiopia(ANN)- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Addis Ababa ee Xarunta Dalka Ethiopia kula kulmay Ra’iisal wasaaraha Ethiopia, Dr. Abiy Ahmed.

Kulankan oo ahaa kii ugu horeeyay ee ay yeeshaan, waxa qodobadii labada Ra’iisal wasaare ka wada hadleen  kamid ahaa Kobcinta dhaqaalaha, Horumarinta caafimaadka, waxbarashada, iyo amniga guud ahaan gobolka gaar ahaan sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka argagixisada.

Wasiirka Qorshaynta Xukuumadda fedetaalka, Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda, safiirka Soomaaliya ee dalka Ethiopia iyo xubno ka socda Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku wehliyay Ra’iisal Wasaare Khayre kulanka uu la qaatay Ra’iisal wasaaraha Ethiopia.

Kulankaan ay Addis Ababa ku yeesheen labada Ra’iisal Wasaare ayaa noqonaya kii u horreeyey tan iyo markii uu Dr. Abiy Ahmed noqday Ra’iisal wasaaraha dowladda Ethiopia.

Dhinaca kale Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, wuxuu mudadii uu ku suganaa Addis Ababa oo ah xarunta Midawga Afrika la kulmay Gudoomiyaha Guddiga Midawga Afrika, Moussa Faki Mahamat.

Ra’iisal Wasaare Khayre iyo Moussa Faki Mahamat ayaa ka wada hadlay nabadda iyo xasilloonida guud ahaan gobolka gaar ahaan Soomaaliya.

Ra’iisal wasaare Khayre ayaa uga mahad celiyay taageerada midowga Afrika ay la garab taaganyihiin Soomaaliya iyo shaqada ay ka hayaan ciidamada nabad ilaalinta AMISOM gudaha Dalka.

Sidoo kale Khayre  ka hor Intii aanu ka dhoofin Addis Ababa Waxaa kale oo kulmay Gudoomiyaha Guddiga nabadda iyo amaanka ee Midawga Afrika, kaas oo ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin amniga iyo qorshaha ay Ciidanka Soomaaliyeed ugala wareegayaan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM guud ahaan amniga qaranka.

 

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka
Media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya