Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo uu wehliyo taliyaha ciidanka Booliiska ayaa  booqday cisbitaallada lagu daweynayo dadkii ku dhaawacmay weerarkii Al-Alshabaab  ay la beegsadeen xarunta Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga.

Sidaana waxa lagu sheegay Qoraal saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha dawladda Federaalka ah oo soo gaadhay Araweelo News Network.

Qoraal saxaafadeedka Ra’iisal Wasaaraha ayaa tacsi loogu diray ehelada dadkii ku naf-waayay qaraxaas ay kooxda caadeysatay daadinta dhiigga Soomaaliyeed u qorsheeyeen inay ku gumaadaan shacabka, waxa uuna dhanka kale ballan qaaday in dadka ay soo gaadheen dhaawacyada aan waxba looga qaban karin gudaha dalka ay dawladdu u qaadayso dalka dibaddiisa.

“Maanta waxaa dhacay qarax ay fuliyeen kooxaha arxanlaawayaasha ah ee dhaqankoodu yahay in shacabka baabi’iyaan. Inta ku dhimatay Allaha u naxariisto dhaawacana Allaha Bogsiiyo. Waxa aan u rajeynayaa Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay nagala shaqeeyaan soo afjaridda kuwaa caadeestay in ay gumaadaan shacabka Soomaaliyeed. Ciidamadu waa dadaaleen bilihii lasoo dhaafay hadana waxaan u ballan qaadayaa shacabka Soomaaliyeed in dadaalka lasii wadi doono. Dawladda Soomaaliyeed ma nasan doonto inta amnigu ka hagaagayo” ayaa lagu yidhi qoraalka Ra’iisal Wasaare Khayre.