Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa caawa safar shaqo ugu baxay magaalada Washington ee dalka Maraykanka oo uu kaga qayb gelayo shirka sannadlaha ah ee Bangiga adduunka iyo hay’adda lacagta adduunka (IMF)

Shirka Sannadlaha ah oo looga hadlo horumarrada maaliyadeed, caqabadaha iyo wixii ka hir galay qorshayaashii maaliyadeed ee lagu soo bandhigay shirka guga ayaa waxyaabaha sannadkan lagaga hadlayo waxaa kamid ah barnaamijka geedi socodka deyn Cafiska Soomaaliya.

Mudane Xasan cali Khayre ayaa sidoo kale inta uu joogo Washington waxa uu kulamo la yeelanayaa madaxda Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka oo uu kala hadlayo in Soomaaliya lagu garab siiyo qorshaha deynta looga cafinayo dalka oo meel wanaagsan soo gaadhay.

Dowladda Soomaaliya oo ay ka go’antahay ka guul gaadhida qorshaha deynta looga cafinayo dalka ayaa horre ugu guuleysatay shuruudihii ku xidhnaa sedaxdii waji ee ugu horreeyay, waxaana hadda si wanaagsan ku socda wajiga afraad (SMP4).

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya