Araweelo News Network

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ugu hanbalyeeyey guusha uu ka soo hooyayey doorashadii madaxtooyada ee dhowaan ka qabsoontay Somaliland.

 

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka ayaa tilmaamay in doorashadu ay ku dhacday si nabad ah oo daahfuran, isagoo tilmaamay in taasi muujinayso bisayl siyaasadeed ee madaxda iyo shacabka Somnaliland.

 

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka,  ayaa axsaabta mucaaradka ku bogaadiyey sida ay ugu hoggaansameen natiijada doorashada, isagoo xusay in dhammaan dhinacyada siyaasadda ee Somaliland ka wada shaqeeyaan nabadda iyo horumarka Somaliland.

 

Ugu danbayeyntii, Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka, ayaa Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi u rajeeyey in uu ku guuleysto xilka culus ee loo doortay.

 

–DHAMMAAD—-

 

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka

Muqdisho, Soomaaliya