Araweelo News Network.

 

#Gal-mudug(ANN)- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka #Soomaaliya Maxamed Xuseen #Rooble, ayaa safar ku tegey maanta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul goboleedka Soomaaliya ee Gal-mudug, halkaas si diirran loogu soo dhaweeyey.

Ra’iisal wasaare Rooble oo ay masuuliyiinta maamulka Gal-mudug soo dhoweeyeen, iyadoo aan la xaqiijin ujeedada safarka ee xilligan uu jiro khilaaf u dhexeeya maamul goboleedyada qaarkood iyo xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, kaas oo la xidhiidha hanaanka doorashooyinka iyo arrimo kale.

Alt, Araweelo News Network

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo booqday Gal-mudug, Image Araweelo News Network 14 December 2020. Dhuusamareeb.

Hase yeeshee sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaare Rooble oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, socdaalka ra’iisal wasaare Rooble, ayaa lagu macneeyay inuu qayb ka yahay booqashooyin hore oo uu kusoo maray maalmihii lasoo dhaafay dowlad Gobolleedyada, kaas oo diirradda lagu saarayay wadashaqaynta iskaashiga dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, arrimaha doorashooyinka, amniga, horumarinnta adeegyda bulshada iyo qodobbo kale.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in uu latashiyo kala duwan la sameynayo madxda maamul goboleedka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, si loogu kaabbo dowlad dhisidda iyo adkaynta isku xidhka hay’addaha federaalka iy dowlad gobolleedka.


Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo booqday Gal-mudug, Image Araweelo News Network 14 December 2020. Dhuusamareeb.

Wuxuuna uga mahadceliyey Madaxda iyo shacabka Gal-mudug soo dhaweynta diirran ee loo sameeyey, isagoo sheegay in Xukuumaddiisu ahmiyadda koowaad siinayo sidii bulshada loogu dhaweyn lahaa dowladnimada.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo xilkaa loo magcaabay 18 September 2020, waa booqashadii u horaysay ee uu ku tago Ga-lmudug, isagoo dhowaan socdaal sidan oo kale ah ku tegey maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, halkaas oo uu xadhiga ka jaray mashaariic ay bixisay dawladda Qadar, isagoo markaa kaddib la kulmay maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.