Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka hadlay arrimaha doorashada Soomaaliya.

Ra’iisal wasaare Rooble, wuxuu ka digay in la baalmaro sharciga iyo heshiisyadii hore looga gaadhay arrimaha doorashada.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaare Rooble Isniintii oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa lagu sheegay in kulan habka Tignoolajiga ee fogaan araga la yeeshay Guddiyada Doorashooyinka ayaa bogaadiyey habsami u socodka doorashooyinka Xildhibaannada Gollaha Shacabka ee laga soo doortay Galmudug, Koonfur galbeed iyo Soomaaliland.

Ra’iisal Wasaaraha waxa uu farayaa Guddiyada maamulka doorashooyinka ee Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle in ay si dhaqso ah u bilaabaan qabashada doorashooyinka Gollaha Shacabka, si doorashada loogu soo gabagabeeyo waqtiga loo cayimay.ayaa lagu yidhi qoraalka.

Dhinaca kale, Ra’iisal Wasaare Rooble, amray guddiyada doorashooyinka ku amray in ay ilaaliyaan madaxbanaanida iyo daah-furnaanta doorashada, isaga oo faray in ay u hoggaan samaan xeerarka iyo Habraacyada doorashooyinka ee ku cad heshiisyadii 17 September iyo kowdii Oktobar 2020, 27-kii May iyo 24 August 2021.

“Ma aqbalayo Guddiyo is-barbar socda oo u arka in ay matalaan Dowlad-goboleed. Ogsoonaada waxaad ku magacaaban tihiin waa wareegto Ra’iisal Wasaare sidaa darteed waa in aad dhexdhexaad u noqotaan dhammaan musharaxiinta xaqa u leh in ay u tartamaan kuraasta Xildhibaannimada Gollaha Shacabka.”

Qoraal saxaafadeedka, ayaa lagu xusay in Ra’iisal Wasaare Rooble Madaxda Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federalka ah ka codsaday in ay guddiyada doorashooyinka u fududeeyaan gudashada waajibaadkooda kuna dhiirigeliyaan in ay si madaxbannaan oo hufan u fuliyaan howlaha doorashada.

Dhinaca kale, Ra’iisal Wasaare, ayaa kulan habka tignoolajiga ee fogaan arag kula yeeshay Gollaha Wadatashiga Qaranka, kaas oo sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa diiradda lagu saaray daahfurnaanta doorashada iyo dardargelinteeda,

Madaxda maamul gobolleedyada oo qaarkood aannay weli soo gudbin liiska xubnaha laga sugayo, isagoo gollaha u gudbiyay walaaca iyo cabashooyinka la xidhiidha doorashada qaar ka mid ah kuraasta Gollaha Shacabka.

Sidoo kale, wuxuu u mahadceliyay dowlad-goboleedyada bilaabay doorashada Gollaha Shacabka, isagoo ka codsaday kuwa aan weli soo gudbin in ay sida ugu dhaqsaha badan u bilaabaan.

Madaxweyneyaasha Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle ayaa caddeeyay in ay maalmaha soo aaddan bilaabi doonaan doorashada xildhibaannada Gollaha Shacabka ee BFS.