Araweelo News Network.

Ra’iisal Wasaarihii Hore Khayre Iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Waxay Hoggaaminayeen Mudaharaadka Muqdisho

Muqdisho(ANN)-Cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda ee loo yaqaan Harimcadka, ayaa kala caydhiyay mudaharaad ay hoggaaminayeen ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Labada hoggaamiye, ayaa soo horkacay boqolaal dad ah oo doonayay in ay taageeraan mudaharaadkii ay ku baaqeen shalay, waxaase ka hor intii aannay soo gaadhin Isgoyska KM4., lagu baaciyay tacshiirado rasaas ah.

Taageerayaasha la socday kooxda ay hoggaaminayeen ra’iisal wasaarihii hore Xasan Khayre iyo siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa markii ay ciidanku rasasta ka hor geeyeen kala baxsaday.

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in isaga iyo murrashaxiinta kale oo dhowr ah ay ka badbaadeen sida uu sheegay  isku day dil oo la doonayay in lagu khaarajiyo. kaddib markii tacshiirado laga horgeeyay xilligii ay doonayeen in ay si nabadgelyo ah dareenkooda u muujiyaan.

Qoraal kooban oo uu soo dhiggay bartiisa Facebook ayuu ku yidhi,  ‘ Waxaan anniga iyo dhowr murrashax oo u taagan xilka Madaxweynaha, Xildhibaano ka tirsan Gollaha Shacabka, masuuliyiin kale iyo shacab badan ka badbaadnay isku day dil ah oo toos ah oo lagu qorsheeyay in nalagu khaarijiyo.

“Hadii uu hadhsanaa qof uu shaki uga jiray aragtida siyaasadeed ee ku dhisan kali-talisnimda iyo xukun-isku dhejinta ,weerarkii xalay iyo isku deygii dilka murrashaxiinta aan kamid ahaa ee maanta haku cibri-qaateen.” ayuu yidhi, Khayre.

Wuxuuna ku canbaareeyay xukuumadda Madaxweyne Farmaajo in ay ka talaabsatay dastuurkii dalka, isagoo yidhi,  “waxaa la jabiyay dhaqankii dowladnimada iyo xeerarkii bulshada ka dhaxeeyay, waxaana loo badheedhay  dilka madax hore iyo musharaxiin madaxweyne, Xildhibaanno iyo Muwaadiniin aan waxbo galabsan, dadkana waxaa loo diiday inay dareenkooda cabiraan, maxaa hadhsan oo xiga” ayuu ku calaacalay Xasan Cali Khayre oo ahaa ra’iisal wasaarihii xukuumadda Madaxweyne Farmaajo oo ay saaxiib dhowna ku ahaayeen wax baddan, balse laga saaray daaqada July 2020.

Sidoo kale, Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ahaa siyaasiyiinta ku weheliyay Xasan Khayre hoggaaminta mudaharaadka, ayaa qoraal kooban soo dhiggay bartiisa Facebook ayaa yidhi,  ”Maleeshiyaadka xabadda ooda uga qaaday shacabka iyo hogaamiyayaalka sida nabadda ah u mudaaharaadayey ee ka amar qaataan kali taliska xilligiisa dhamaaday ee ina Farmaajo danbiga ayeey isku sii badinayaan Way dhowdahay maalintii marinkooda la marin lahaa. Reer Muqdisho waxaan leeyahay dhiigya cabka waad aragteen, waxaa idiin dhiman in aad iska dhicisaan.” ayuu yidhi,.