Muqdisho(ANN)- Ra’iisal Wasaaraha xilka laga qaaday ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa ka hadlay dareenkiisa kalsoonida ay golaha shacabka ee Baarlamaanku maanta kala noqdeen iyo sida uu u arko.

 

Khayre, wuxuu sheegay in wixii ka dhacay Baarlamaanka ay ahaayeen sharci-daro, isagoo xusay in aannay ahayn arrin ajandaha Baarlamaanka ku jirtay, balse wuxuu sheegay isagoo og sharci-darada dhacday in uu isagu iskuu isaga casilay xilkaa.

 

Ra’iisal Wasaaraha xilka laga qaaday ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, wuxuu ku sheegay qoraal kooban iyo muuqaal uu soo dhigay Bartiisa Twitter, isagoo yidhi, “Waxaan go’aansaday inaan annigu ummadda Soomaaliyeed u noqdo tusaale oo aan iska casilo xilkii ummadda Soomaaliyeed aan u hayay, annigoo dhowraya midnimada dalka iyo inaan dib loogu laaban burbur iyo dhibaato” ayuu yidhi.

Gudoomiyaha golaha shacabka ee barlamaanka federaalka Maxamad Mursal Sheekh Cabdiraaxmaan saacaddii la soo dhaafay sheegay in goluhu codka kalsoonida ah kala noqday xukuumadda uu hogaamiyo Xasan Cali Kheyre, isagoo ugu baaqay madaxweynaha inuu soo magacaabo ra’isul wasaare cusub.

 

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa markaa kaddib sheegay inuu aqbalay go’aanka Baarlamaanka, ayaa  u magcaabay si ku meel-gaadh ah inuu hawlaha xukuumadda usii wado Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ahaa Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay inuu sii socodsiinta iyo maareynta howlaha Golaha Xukuumadda si kumeel gaadhka ah usii wado.