Araweelo News Network


Muqdisho(ANN)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa Casho sharaf u sameeyey Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaddib markii ay shalay ansixiyeen golaha Wasiiradda cusub ee uu dhowaan magcaabay.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey ansixinta Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda, isagoo ka dalbaday wada shaqeyn dhex Marta labada Hay’adood ee fulinta iyo sharci dajinta.

Casho sharafta ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay ku-simaha Madaxweynaha, ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Golaha Wasiirada iyo marti sharaf kale. Ra’iisul wasaare Xasan Kheyre ayaana ku dheeraaaday muhiimadda ay leedahay in ay isku xidhnaadaan hay’addaha Dawladda si dalka wadajir loogu gaadhsiiyo horumar iyo isla xisaabtan dhab ah oo dhex mara.