M Jama AbgaalBoorama(ANN)Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal, ayaa farriin isugu jirta dib-u-xasuusin taariikheed iyo waano u jeediyey kooxda fallaagowday ee Suldaan Wabar ee ku dhuumanaya Buuralayda Gobolka Awdal.
Wasiir Abgaal oo hadal ka jeediyey xaflad loo sameeyey xil-wareejinta Badhasaabka cusub ee Gobolka Awdal iyo guddoomiyihii hore, waxa uu isbarbar-dhig ku sameeyey tabashada reer Awdal ee ay marmarsiyaha ay ka dhiganayaan kooxda Suldaan Wabar iyo qaabkii ay shacabka reer Somaliland u doorteen Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin doorashadii madaxtinimada ee u horreysay oo uu la tartamayey Madaxweynaha waqtigan talada haya Axmed Siilaanyo, isagoo xusay qabyaaladi haddii ay ka jirto Somaliland in aan la doorteen Daahir Rayaale.
“Maalmahan meelaha xabbada fudud laga ridayo, waxaan rabaa in aan xasuusiyo inanka dibadda jooga iyo ka meelahan ka had-hadlaya sheegayaa waar haddii la rabo Somaliland-teennan in aynu ka helno xaq aynu ku leenahay oo tabasho jirto, dadkan ehelka aynu nahay ee beelaha dhexe xilligii doorashadii madaxtinimada (doorashadii madaxtooyada ee u horreysay) tartankii dhexmaray Daahir Rayaale oo Madaxweyne ahaa iyo ku-xigeenkiisa oo Axmed Yuusuf ahaa, ayaa waxa la tartamay Siilaanyo, iyadoo waliba Madaxweynaha maanta jooga (Axmed Siilaanyo) haddii loo tirinayo cid uun dalkani sidii uu ku yimi iyo halgannadii la soo maray ninka ugu muddakarsan ee waayeelnimada ku darsaday ahaa ninka kowaad, ninka ku-xigayna uu mujaahidkii waynaa ee Cabdiraxmaan Aw Cali ahaa.
Aniga iyo rag aan ku jiray oo waqtigaasi KULMIYE ahaa oo Boorama joogay codka maansiin (Daahir Rayaale), laakiin marka la eego beelaha dhexe ee la sheegayo Berbera, Hargeysa, Burco dadku lix ilaa lix codka ayey ku gurayeen oo waxay doorteen Daahir Rayaale iyo Axmed Yuusuf. Soomaali halkii kale ee laga helayo ciddii og baa sheegi. Haddii ay qabyaalad iyo eexi jirto iyo hadduu madmadow iyo wax lagala bursanayaa jiro maalintaaba codka la isma siiyeen,” ayuu yidhi Md. Abgaal.
Waxa kaloo uu tilmaamay inuu xalku ku jiro tartan si xalaal ah loo galo, balse aanay waxba soo kordhinayn rasaas la adeegsadaa, waxaannu yidhi, “Odhan karimayno ha tartamina dadka, miyaan odhan karaa dadka dhaqaale ha tartamina, miyaan odhan karaa siyaasad ha u tartamina? Waar way tartamayaane aynu la tartanno, wax intaa dhaafsan oo meesha yaal ma jiro, haddii aad qof tahay oo aad isku kalsoon tahay iimaankaaga iyo kartidaada.
Nimankaa Isaaq waa kuwaa i wada maqlaya ee haddaad sii jeedso tidhaa way sii jeedsanayaan, haddaad soo jeesta tidhaana way soo jeedsanayaan, haddaad fadhiista tidhaana way fadhiisanayaan, markaa maxaabaynu rasaas ula imanaynaa? Rasaasi marimayso qofku markuu intaas oo dhan kaa ogolyahay xabbad baan u soo qaadanayaa marimayso ee waa been, yaynaan ku dawakhin waxaan soconayn, rasaastaan Qolujeed ka bilaabo goortay bariga Burco gaadhayso ma garanayee waar dadka ammaan ha la siiyo oo waddanka ha laga shaqaysto.”
Xafladdaasi waxa hadal ka jeediyey Badhasaabkii hore ee Gobolka Awdal Cabdoo Aayar oo ka warramay waxqabadkii u hirgalay muddadii uu xilka hayey ee dhinaca adeegyada, mashaariicda iyo nabadda bulshada dhexdeeda, iyadoo Badhasaabka cusub ee xilka la wareegay Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) uu isna codsaday in loogu duceeyo gudashada xilka loo dhiibay iyo in lala shaqeeyo.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com