Araweelo News Network

David Cmeron
Britain(ANN)Raysal Wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa shaaciyay inuu is casilayo bisha Oktoobar kadib markii dadweynaha UK ay u codeeyeen inay isaga baxayaan Midowga Yurub.
Mr Cameron ayaa go’aanka is casilaaddiisa waxa uu ka jeediyay aqalkiisa Downing Street hortiisa kadib markii lagu dhawaaqay natiijada aftidii ka dhacday waddanka.
Wuxuu sheegay in uu isku dayi doono in markabku aanu liicin – laakiin toddobaadyada iyo bilaha soo socda in loo baahan yahay hoggaan cusub.
Mr Cameron ayaa si weyn ugu ololeeyay in Britain ay ka sii mid ahaato Midowga Yurub, waxaana uu sheegay in uu ixtiraamayo go’aanka shacabka dalkiisa ee ay ku muujiyeen natiijada aftida. Sidaa awgeed loo baahanyahay in la helo hoggaan cusub oo dalka ku wada halka uu siyaasad ahaan u jihaystay.