RaysalwasarahasomaliaMogadishu(ANN)Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke, ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia, wuxuuna ka hadlay weerarkii Argagixiso ee shalay Al-shabaab ku qaadeen hotelka Central oo ay ku sugnaayeen Raysal Wasaare ku xigeenkiisa, isla markaana ahaa ku simaha Raysal wasaaraha Maxamed Cumar Carte oo dhaawac kasoo gaadhay weerarkaa isaga xubno isugu jira wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil dawlada ah.
Sidoo kalena ay ku dhinteen Lab aka mid ahaa Xidhibaanada Baarlamaanka Somalia, Guddoomiye ku xigeenkii Banaadir iyo saraakiil kale oo dawlada ka tirsan.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha Somalia oo uu ku saxeexanyahay Ahmed-Nur Mohamed oo ah Sarkaalka dhanka Warbaahinta u qaabilsan Xafiiska Raysal Waasaraha Somalia, ayaa sheegay in inuu tacsi u diray ehelkii, Qaraabadii iyo Qoysaskii ay ka baxeen dadkii shalay ku dhintay weererka, isagoo Raysal Wasaare Cumar Alle uga baryay masuuliyiintii iyo dadkii kale ee ku dhaawacmay weerarka inuu caafimaad deg-deg ah siiyo.

“Weerarka waxaa toos lagu bartilmaameedsaday dad muslimiin ah oo xiligaas u taagnaa gudashada waajibaadka Salaadda Jimce, fikirka ay xambaarsan yihiin nabad-diidku waa mid lagula dagaalamayo Diinteena suuban. Waxaana illaahay uga baryaynaa inuu Jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo intii ku dhimatay, inta ku dhaawacantayna illaahay siiyo caafimaad taam ah. Waxayna shalay noo ahayd maalin murugo oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay xusuusan doonaan dadkii qaaliga ahaa ee naftooda ku weeyay weerarkaa”ayuu yidhi Raysal wasaare Cumar Cabdirashiid.

Wuxuuna isagoo ka hadlaya ujeedada weerarkaa yidhi, “Falkan wuxuu na tusayaa in kooxaha nabad diidku ay cadaawad u qabaan dadka Soomaaliyeed, kuna beegsanayaan masaajidada iyo goobaha lagu cibaadaysto. Waxayna ka soo horjeedaan Soomaaliya oo nabad ah, midaysan, horumarna ku talaabsatay, mana aqbalayno dhaqamadaan ay ku dheehan tahay cadowtinimadu”

Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid, wuxuu sheegay in Xukuumadda iyo shcabka Soomaaliyeed oo midaysan diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan sidii dalka loo xasilin lahaa, loogana hortegi lahaa kooxaha caadaystay weerarada uu ku tilmaamay kuwo waxashnimo, wuxuuna weydiistay beesha caalamka inay gacan ka geysato cidhibtirka kooxaha argagixisada.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in xalay kulan deg deg ah ay isugu yimaadeen Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamud , golaha Wasiirada iyo laamaha amniga, isla markaana kulankaa logu sameeyay laba guddi oo mid hawsheedu tahay inay baadhis ku sameeyaan sidii wax u dhaceen iyo guddida kale oo sida uu sheegay Raysal Wasaare Sharmaarke gacan ka gaysanay sidii gar-gaar caafimaad loogu fidin lahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxyadaa shalay, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay gacan ku siiyaan ciidamada howlaha lagu sugayo amniga.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews