omar abdirashiidMogadishu(ANN)Raysal Wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid, ayaa ka xaadiray saaka Fadhiga Baarlamaanka si uu taageero ugu helo xukuumadda uu soo dhisay 27 January 2015 oo ka kooban 20 wasiir, balse ay soo baxeen diidmo dhinaca mudanayaasha qaarkood ka muujiyeen, taas oo noqonay markii labaad ee Raysal Wasaare Cumar golaha wasiiradda kala maago inuu hor geeyo si ay u ansixiyaan, iyadoo Raysal waasuhu la laabtay golaha Wasiirada ee kuwan ka horeerar markii ay u caddaatay in aanay Baarlamaanku ansixinayn.

Hase yeeshee xukuumadda uu markii labaad magcaabay Raysal wasaare Cumar Cabdirashiid oo uu taageero uga doonayo, ayaa ka hadlay fadhigii mudanayaasha ee maanta, isagoo ka waramay dhismaha xukuumaddiisa iyo dhaliilaha loo jeedinayo, wuxuuna raali gelin ka bixiyay wixii khaldamay.

Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid, wuxuu markaa ka dib ka dalbay Baarlamaanka in muddo 10 maalmood ah la siiyo si uu usoo dhamaystiro xukuumaddiisa.

Xildhibaanada Baarlanaanka, ayaa markaa ka dib bilaabay buuq iyo sawaxan, iyagoo ku shoobaraynaya Raysal Wasaaraha, balse Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa fasaxay Ra’iisal Wasaaraha, wuxuuna usoo jeediyay Xildhibaanada in laga doodo codsiga Raysal Wasaaraha,isla markaana codka loogu qaado in 10 maalmood oo dambe loogu daro iyo inaanan loogu darin, waxayna xildhibaanada madasha fadhiyay cod aqlabiyad ah ku ogolaadeen in mudada tobanka maalmood ah loogu daro oo fursad kale la siiyo Raysal Wasaaraha si uu usoo dhamaystiro xukuumaddiisa.
Raysal wasaare Cumar ayaa 12 January 2015, wuxuu magcaabay xukuumad goleheeda wasiiraddu ka baddan yahay 60 xubnood, kuwaas oo isugu jiray Wasiiro, Wasiir ku xigeeno iyo Wasiiro dawlayaal, balse waxa uu dib ula noqday 16 january 2015, kadib markii sidan oo kale ay Baarlamaanku ku hnjabeen in aanay anixinayn, iyagoo sabab uga dhigay xubnaha ku jira golaha wasiiradda oo ay ku tilmaameen kuwii hore u galaaftay xukuumaddihii ka labadii Raysal wasaare ee ka horeeyay isaga.

Hase yeeshee 27 Janaury 2015, ayuu mar kale Raysal Waasare Cumar Cabdirashiid soo magcaabay gole wasiiro oo ka kooban 20 xubnood, isagoo sheegay inuu Wasiiro xigeenada iyo wasiir dawlayaasha liiskooda dib kasoo magcaabayo, balse mar kale waxa liiska golaha wasiiradda hadheeyay muran iyo doodo, iyadoo xildhibaanada qaarkood aanay weli mawqifkoodii hore waxba ka bedelin, taas oo cabsi gelisay Raysal Wasaare Cumar inuu mar kale ku mergado xukuumaddiisa oo ay weydo kalsoonida Baarlamaanka, wuxuuna Baarlaamnka ka dalbaday in muddo 10 maalmood ah loogu daro, iyadoo aan la ogayn inuu wax ka bedelayo liiska uu hore u magcaabay iyo inuu tirada intaa ka baddin doono, taas oo aan la ogayn jawaabta ay ka bixin doonaan Baarlamaanku toban maalmood kadib marka uu horgeeyo.

Faallo laga qoray horaantii intii aanuu ku dhawaaqin golahiisa wasiiradda ee uu la laabtay, ayaa ciwaankeedu ahaa sidan:- “Raysal Wasaaraha Somalia Oo Ku Mergaday Dhismaha Golihiisa wasiiradda Iyo Duruufaha Siyaasadeed Ee Ku Xeerran.” Faallo By. Carraaale M. Jama

“Raysal wasaaraha cusub ee Somalia Cumar Cabdirashiid oo xilkaa loo magcaabay dhamaadkii Desember 2014, ee sanadkii tegey ayaa ku guuldaraystay inuu soo dhiso xukuumaddii uu balanqaaday inuu ku dhawaaqi doono markii xilkaa loo dhaariyay muddo haatan laga joogo sadex todobaad.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com