omar abdirashiidMogadishu(ANN) Raysal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ugu baaqay kooxaha ku dagaalamaya Galguduud oo ka tirsan Gobolada dhexe ee Somalia, gaar ahaan deegaanka Gurceel inay joojiyaan dagaalka oo uu ku tilmaamay mid nasiibadro ah.
Cumar Cabdirashiid, wuxuu sheegay in dagaalada ka socda halkaa ay ay fursad siin karaan kooxaha Al-shabaab inay mar kale is abaabulaan, isla markaana ka faa’iideystaan dagaalada micno darrada ah.

“Waan ka xunahay dagaalada micno la’aanta ah ee ka socda degmada Guriceel, xukuumaddu waxay ugu baaqaysaa dhinacyada dagaalku u dhexeeyo in si shuruud la’aan ah dagaalka ku joojiyaan” ayuu yidhi Raysal Wasaaruhu.

“Waxaan mar labaad ku baaqayaa in la joojiyo dagaalada ay ku dhimanayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed , Waxaana xasuusinayaa dhinacyada dirirtu ka dhaxayso in Soomaaliya ay maanta mareyso marxalad cusub oo ku salaysan nabad iyo wadatashi, taas oo looga soo gudbay xiligii Colaadaha, ayna hiigsaneyso mustaqbal wanaagsan iyo horumar” ayuu yidhi, wuxuuna sheegay in Xukuumaddu baadhitaan ku samayn doono cidii ka danbeysay dagaalka oo lagula xisaabtami doono cid waliba oo dagaalkaas lug ku yeelata.

Dhinaca kale Raysal Wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa casuumad u sameeyey Xildhibaannada Golaha Shacabka, taas oo ay ka qayb galeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, inta badan mudaneyaasha Baarlamaanka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo marti sharaf kale.

Wuxuuna Raysal Wasaare Sharmaarke oo Khudbad ka jeediyey Munaasabadda uga mahadceliyey xubnaha baarlamanka ansixinta Xukuumadda iyo barnaamijeedka, isagoo ku ammaanay Guddoonka Golaha Shacabka sidii quruxda badneyd ee ay fadhiyada Baarlamaanka u hoggaamiyeen kulammadii ugu xasaasisanaa ee la xidhiidhay doodaha kalsooni siinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda iyo kuwii ka horeeyay ee ansixinta Raysal Wasaaraha. Isagoo ka codsaday xildhibaanada in ay sii laba-laabaan sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyaan xukuumadda.

Raysal Wasaare Cumar, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay midnimada Baarlamaanka, isagoo xusay in Baarlamaanku uu yahay tiir dhexaadka Dowladda, islamarkaana ay shacabiga Soomaaliyeed ku tashanayaan sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in la ilaaliyo wadajirka iyo Midnimada Baarlamaanka, sidoo kalena waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka aad u ammaanay doodihii Xildhibaannada taasi oo ka turjumeysa hirgelinta dhaqan dimuqraadiyadeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa geba gebadii munaasibaddaa ayaa ka hadlay ahmiyada ay leedahay wadajirka hay’addaha kala duwan ee dowladda, wuxuuna xusay in golaha baarlamanku mudadii uu jiray wax baddan qabtay, isla markaana looga fadhiyo inta ka dhiman sanadka 2016 in la qabto shaqooyin baddan oo muhim u ah higsiga 2016.

“Waxaa runtii rabaa inaan aad idiin kugu ammaano sidii quruxda badnayd ee Baarlamaanku waajibaadkiisa u gutay, weliba waxaan si gaar ah u ammaanayaa sidii ay Xildhibaannadu kulammadii doodaha ahaa u qabsadeen, iyadoo taasina Shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah ula socdeen,xaqiiqdii waad raali geliseen Shacabka,mar hadaad shacabka raaligeliseenna Alle ayaad raali geliseen aad ayaan idiinkugu ammaanayaa”ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com