omar abdirashiidMuqdisho(ANN)Rayasal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ugu digay Bangiyada Maraykanka inay joojiyaan lacagta Xaaalada ee bulshada Soomaalida, wuxuuna ugu baaqay bangiyada dalka Maraykanka in ay ka laabtaan go’aanka ay ku xidhayaan xisaabaadka xawaaladaha Soomaalida ee dalka Maraykanka. Waxana uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed intooda baddan ay noloshoodu ku tiirsan tahay adeegga Xawaaladaha oo ay lacago usoo marsiiyaan eheladooda ku nool dibadda.

“Lacagaha ay soo diraan Soomaalida ku nool dibadda, ayna fududeeyaan bangiyada Mareykanka, waxa ay u tagtaa qoysas iyo caruur la tacaalaya nolol adag. In badan oo Soomaali ah ayaa ku tiirsan adeega ay u fudiyaan Xawaaladahu” ayuu yidhi Sharmaarke.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay dareensan tahay wa-lwalka Bangiyada ee ah la dagaallanka dhaqdhaqaaqyada sharci darada ah, xalaaleeynta lacagta dambiyada laga sameeyo iyo argagixisada, balse uu horseedi karo go’aanka Bangiyada dhibaato kale oo bini aadamnimo oo dalka soo food saarta.

“Go’aanka Bangiyada Mareykanka ee ah in uu xirayo xisaabaadka bangiyada ee shirkadaha xawaaladaha lacagta waa in dib loo eegaa maxaa yeelay tani waxa ay marmarsiiyo la’aan dhibaataynaysaa Soomaaliya oo dhan”.ayuu yidhi RW Cumar

Ugu danbeyn, Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay nolosha dadka Soomaaliyeed wax ka badan 60% ay ku xidhan tahay lacagta ay qurba joogtu ka soo diraan dibadaha, isagoo yidhi, “Muddo sanado ahba Xawaladaha Soomaalidu waxay samaynayeen shuruudaha iyo soo rogida sharciyo adag si ay howlahood shaqo u noqdaan kuwo aan mugdi ku jirin. Waxey inbadan ku celceliyeen iney u heelan yihiin wax ka badalka habkii ay lacagta u diri jireen. Dawlad ahaan, waan amaanaynaa dadaalkooda iyo baaqayada mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Maraykanku ku doonayaan in Xawaaladuhu ku sii shaqeeyaan, waxaana ugu baaqaynaa Bangiyada Maraykanka in ay xoogga saaraan in xal laga gaaro dhibaatadaan hada soo korortay, halkii lagu deg degi lahaa in xawaaladaha laxidho” ayaa lagu yidhi qoraalkaa oo kasoo baxay Waaxda Warfaafinta ee Xafiiska Rayal Wasaaraha.
Muqdihso, Soomaaliya
media@opm.gov.so
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com